Wasiirka Warfaafinta oo Kulan La Qaatay Gudida Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA
March 18, 2025 - Written by admin
Hoggaanka ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi. Kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray arrimaha warbaahinta, xadhigga suxufiyiinta, iyo sidii loo dardar-gelin lahaa xeerka saxaafadda Somaliland oo haatan horyaalla Golaha Wakiillada.
Guddoomiyaha ururka SOLJA Shaafici Maxamed Ibraahim ayaa kulankaasi ku soo bandhigtay xadhigga weriyeyaasha ee la xidhay kuwaas oo tiradoodu gaadhayso shan weriye, iyada oo xadhiggooda aan loo marin nidaam sharci ah. Ururku waxa uu walaac ka muujiyay tacaddiyada ka dhanka ah xorriyadda saxaafadda, isaga oo xusay in xadhigga suxufiyiinta uu caqabad ku yahay xorriyadda warbaahinta iyo horumarka dimuqraadiyadda Somaliland.
Dhankiisa, Wasiirka Warfaafinta ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumadda ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda saxaafadda iyo horumarinta warbaahinta. Wasiirku Waxa uu ballan qaaday in wasaaraddu la shaqeyn doonto warbaahinta si loo xoojiyo wada-shaqeynta, loona ilaaliyo madaxbannaanida warbaahinta, lagana shaqeeyo sidii loo dhammeystiri lahaa xeerka saxaafadda Somaliland.
Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay is-afgarad ku saleysan in la dardar-geliyo xeerka saxaafadda, laga wada shaqeeyo xallinta cabashooyinka suxufiyiinta, iyo in la xoojiyo wada-shaqeynta SOLJA iyo Wasaaradda Warfaafinta si loo horumariyo saxaafadda Somaliland.