Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro oo Xadhiga Kajari Doona Beri Sabtida Xabsiga Dhaqan Celinta Caruurta Dambiyada Gala ee Mijacaseeye
March 21, 2025 - Written by admin
Madaxweynaha Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro), ayaa maalinta Sabtida daahfuraya dib u dhis iyo casriyeyn lagu sameeyey ๐ฑ๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐ง๐๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐โ ๐ฒ๐๐ซ๐ญ๐ ๐ฌ๐ก๐๐ซ๐๐ข๐ ๐ ๐ค๐ก๐ข๐ฅ๐๐๐๐ญ๐ oo deegaanka Mijacseeye ee gobalka Saaxil laga dhisay waagii Ingiriiska.
Xaruntan, ayaa gaar u noqon doonta caruurta daโ yarta ah ee gasha dambiyada maadaama oo Jeelasha waaweyn ee dalku aanay u diyaarsanayn in lagu hayo caruurta. Waxaana ay xaruntan ka heli doonaan daryeel caafimaad, waxbarasho, iyo dhaqancelin wanaagsan inta ba.
Xaruntan, ayaa ka mid ahayd balanqaadyadii Madaxweynaha Somaililand Mudane Cabdiraxmaan (Cirro) ee xiligii ololaha.