“Safarka Madaxweyne Cabdiraxman Cirro ee maalinta Sabtida uu ku tagayo Berbera, waxa uu raad ku leeyahay safar uu Ramadan ta ka dib ugu baxayo Imaaraadka.
March 21, 2025 - Written by admin
“Safarka Madaxweyne Cabdiraxman Cirro ee maalinta Sabtida uu ku tagayo Berbera, waxa uu raad ku leeyahay safar uu Ramadan ta ka dib ugu baxayo Imaaraadka. Waxa jira saddex safar oo madaxweynuhu galidoono.
Laba waa kuwo intan uu madaxweynaha noqday la qorsheeyey oo waa Imaaraadka oo uu ku noqonayo, qaab ka duwan safarkii horena loogu soo dhaweynayo iyo booqashadii Itoobiya ee la filayey.
Hase ahaatee ka saddexaad ayaa aha mid la qorsheeyey ka hore doorashadii uu ku soo baxay, qorshahaas oo ah in hadba madaxwyenaha la doortaa ku tago socdaal ay ka soo shaqeeyeen xubnihii mudoba uga ololeynayey JSL dalka Maraykanka ee ay hawlgalisay xukumadii hore, isla markaana ku xidhan dawlada Trump.
Saddexdan safar ayaa ah kuwo la filayo in ay noqdaan qaar si weyn loo hadal hayndoono, isla markaana noqonaya kuwo laga qiyaaso heerka fursada aqoonsi ee la filayo iyo heshiiyo qalinka lagu duugo, lamase shaacinayo mudda u kala dhaxaynaysa safaradaas.”
Xigasho xubin ku xidhan Madaxtooyada JSL.