Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro oo Xadhiga Kajaray Dib Udhiska Wadada Dawga Buurta Sheekh
March 22, 2025 - Written by admin
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku tegay maanta Gobolka Saaxil ayaa xadhiga ka jaray dib u dhis iyo dib u habeyn ballaadhan oo lagu sameeyey jidka isku xidha Magaallooyinka Berbera iyo Sheekh.
Munaasibadda xadhig-ka-jarka ayaa ka qabsoontay dusha sare ee buurta Sheekh,waxaana haddalo ka jeediyey ugu horreyn wasiirka Wasaaradda jidadka iyo meereeyaha Hay’adda Waddooyinka Qaranka,kuwaas oo u mahadceliyey shaqalihii hawshaa baaxadleh qabtay mudda’daas kooban ee habeen iyo maalin aan ka nasan.
Ugu Dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo halkaas ka hadlay ayaa si rasmi ah xadhiga uga jaray jidkaas oo dib u dhis lagu sameeyeya iyo labaatan buundo oo la hagaajiyey,waxaanu sheegay inay sahli doonto isku socodka Gobollada dalka.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇,
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝