Dawlada Serbia oo Cambaaraysay Aqoonsi Dalka Kenya Siiyay Dalka Kosovo
March 27, 2025 - Written by admin
Dawladda Serbia, ayaa si xoogan u cambaaraysay go’aankii uu dalka Kenya xalay ku aqoonsaday madaxbannaanida Kosovo oo hore uga tirsanaan jiray dalkaasi Serbia, balse gooni isku taagay sannadkii 2008.
War mar dhawayd ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Serbia, ayaa lagu sheegay in go’aanka dawladda Kenya ee dal madaxbannaan loogu aqoonsaday Kosovo uu yahay mid ka soo horjeeda shuruucda caalamiga ah iyo qaraarada Qaramada Midobay ee dhawraya madaxbanaanida iyo midninada dalka Serbia.
Waxayna dawladda Serbia sheegtay inay qaadi doonto tallaabo kasta oo sharci ah oo ka dhan ah go’aankaasi ka soo baxay Kenya, isla markaana ay samayn doonto dedaal kasta oo lagu ilaalinayo midnimada dhuleed ee dalka Serbia oo ay Kosovo ka mid tahay.
Dalka Kosovo oo hadda muddo 17 sanno ah madaxbannaani haystay, waxa aqoonsaday in ka badan 100 dal oo xubno ka ah Qaramada Midoobay, balse dalkaasi weli xubin kama noqon UN-ka, maadaama oo uu diidmo kala kulmayo Serbia oo taageero ka helaysa Shiinaha iyo Ruushka oo ka mid ah wadamada codka diidmada qayaxan leh.