Wadanka Kosovo oo 110 Dal Aqoonsan Yihiin oo Weli Hadana Raadinaya Caalamiya
March 27, 2025 - Written by admin
Dalka Kosovo oo ku dhawaaqay Madax bannaanidiisa sannadkii 2008-dii, ayaa weli aqoonsi caalami ah ka raadinayey dalalka adduunka, inkasta oo ay aqoonsadeen 110 dal, oo ay ku dambaysay Kenya oo xalay ku dhawaaqday aqoonsiga Kosovo.
Dalkan oo ku yaala Bariga Qaarada Yurub, waxa si weyn uga soo horjeeda aqoonsigeeda Serbia, oo hore ay uga mid ahayd iyo sidoo kale dalal kale oo ay ka mid yihiin Ruushka iyo Shiinaha oo codka diidmada qayaxan ee Golaha Ammaanka leh.
Inkasta oo 110 dal ictiraafsan yihiin Kosovo, haddana weli kursi kuma laha oo kama mid ah Qaramada midoobay, sababa la xidhiidha diidmada Serbia, oo kaashanaysa Shiinaha iyo Ruushka.
Mareykanka iyo dalalka reer Yurub ayaa intooda badan aqoonsan Kosovo, marka laga tago Kenya oo xalay aqoonsatay dalkan, waxa u dambeeyey oo aqoonsada waxa ay ahayd Israa’iil oo sannadkii 2020-kii ku dhawaaqday aqoonsiga Kosovo.
Dalkan waxa ku nool dad tiradoodu gaadhayso 1,772,377 oo qof.