Banaan Baxyo Lagaga Horjeedo Ficilada uu Sameynayo Madaxweyne Donald Trump oo Dalka Mareykanka Kasocda
April 6, 2025 - Written by admin
Bannaan baxyo waaweyn ayaa saacadihii la soo dhaafay gilgilay gudaha dalka Maraykanka kuwaas oo lagaga soo hor jeedo siyaasadda uu wax ku wado madaxweyne Donald Trump iyo saaxiibkiis Elon Musk.
Dadka ayaa ka cabanaya in shaqooyinkoodii laga eryey, in dawladdu meel walba fara gelisay iyo in hab sharciga baal marsan loola dhaqmay.
Xubnaha ugu waaweyn xisbiga Dimuqraadiga ayaa bannaan baxyaasha kala qayb galay muddahaaraddada ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee Maraykanka.
Xilliga uu muddahaaraddu socdo madaxweyne Trump waxa uu wakhti ku qaadanayey gobolka Florida isaga oo aan wax dareen ah ka muujin cabashada ka soo yeedhaysa muwaadiniinta muddaahaaradaysa.