Booliska Somaliland oo Digniin Culus Soo Saaray
April 6, 2025 - Written by admin
Ciidanka Booliska Somaliland ayaa digniin u diray dadka baraha bulshada iyo warbaahinta ku faafiya hadalada kicinaya bulshada ee ay ka mid tahay Qabyaaladu,Ciidanka ayaa sheegay in sharciga lala tiigsan doono qofkii lagu qabto arintaa, sido kale Booliska ayaa sheegay in qofkii arinta qabiilka dhib loogu geysto ay la soo xidhiidhaan Saldhigyada Ciidanka Booliska Somaliland.
Ciidanka Booliska Somaliland ayaa dhanka kale digniin u diray dadka sita toorayda sharci darada ah ee suuqyada lala soo galo ama meelaha bulshadu ku kulanto.