Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro Hal Abuur Cusub oo Lagaga Dayan Doono Ayuu Kusoo Kordhieyey Siyaasadda Somaliland
April 7, 2025 - Written by admin
Hogaamiyeyaashu waa laba mid uun waa mid hal abuur cusub Sameeya oo wax ka duwan Sameeya ragii ka horeeyey iyo hogaamiye dariiqii ragii hore saxeexay uun saxeexo oo wax isbedel ah aan samayn sidii kuwii ka horeeyey wax u maamuli jireen uun wax u maamula.
Madaxweyne Cirro waa hogaamiye wax ka duwan hogaamiyeyaashii ka horeeyey sameeyey jid cusub ku soo kordhiyey siyaaasadii rag badana oo siyaasada kaga horeeyeyna kaga dayan doonaan.
Muxuu sameeyey.
Intii xisbiyada siyaasada la sameeyey way adkayd in gudoomiye intii uu gudoomiyaha xisbiga baneeyo oo musharaxnimo ku hadho, Talaabada Siilaanyo, Rayaale, Muuse iyo Faysalba may samayn waxayna u arkayeen Musharax Cirro mid aan siyaasada fahansanayn, nasiib wanaag muddo ka dib bay garwaaqsadeen inuu ka saxsan yahay waxaana markii dambe kaga dayday madaxweyne Muuse oo saaxiibkii kAAHIN ku wareejiyey xisbigii isna musharaxnimo ku hadhay.
Mar kale hogaamiye Cirro wuxuu sameeyey talaabo aanay madaxweyneyaashii ka horeeyey samayn, wuxuu wasiiro buuxa ka dhigay beelo aan waligood wasiiir buuxa noqon, madaxweyne kasta oo dabadii yimaaada jidkaasi wuu raaci doonaa oo beelahaasi sidaas bay waligood ku heli doonaan xaqii ay lumiyeen.
Waxa xusid mudan in hogaamiye Cirro kursiga gudoomiyaha xisbigiisa marka uu Xirsi ku wareejinayey doonayey inuu deegaanka Xirsi ku walaaleeyo deegaankiisa iyo deegaanka xirsi sidii uu doonayeyna u dhacday.
Xilligaas siyaasiyiin badan waxay u arkeen wax aan dhici karin hogaamiye aan wali madaxweyne gaadhin gudoomiyenimadii wareejin karo illaa kuwii ka soo horjeeday nidaamkaasi kaga daydeen.