Waaxda Saadasha ee Wasaarada Beeraha Somaliland oo Sheegtay In Roobab Waaweyni Ka Di,i Doonaan Dalka
April 7, 2025 - Written by admin
Waaxda saadaasha ee Wasaaradda Beeraha Somaliland, ayaa maanta sheegtay in roobab ay gobolada dalka ka di’i doonaan 07 ilaa 13 April Gobolada kala duwan ee dalka.
Waxa ay saadaashu intaasi ku dartay roobab xaddigoodu yahay 20-40mm ay ka di’i doonaan gobolada Togdheer, Maroodijeex iyo qaybo ka mid ah Sanaag.
Halka Sool, Saaxil iyo Awdal ay heli doonaan roobab xaddigoodu yahay 10-20mm Insha Allaah.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xili maalmihii u dambeeyey kulayl xad-dhaaf ah laga dareemayey magaalooyinka dalka, isla markaana salaad roob-doon ah maalintii shalay dalka laga tukaday.