Dalka Jarmalka Nin Beeralay Ah oo Shimbiro Caws Ka Cunay Maxkamdu Ugu Xukuntay Magdhaw Lacageed oo 87 Kun oo Dollar.
April 8, 2025 - Written by admin
Ninkaan waa beeralleey Jarmal ah.
Doog ama coos u baxayay ayaa waxaa ka cunay shimbiro nooca meeshan ku sawiran ah.
Maadaama aanan la taaban karin shimbirahaas, cooskii uu lo’diisa ugu tala galayne ka cuneen maxkamad ayuu la tiigsaday Maamulka Gobolka Niedersachsen.
Wuxuu sheegay inay shimbiraha beertiisa xaalufiyeen, lo’diisana uu ku qasbanaaday inuu coos usoo iibiyo, khasaarena ay geliyeen, dowladdana ay ayada tahay shimbirahaan cidda soo deysatay.
Dood dheer kedib ninkan wuu ka gar yeeshay gobolka Niedersachsen.
Waxaana la siiyay lacag khasaarihiisa uu ku bedelan karo oo 80,000€ ah. (Dollar ahaan 87 kun oo dollar iyo bar).
Gobolka Niedersachsen waa gobolka labaad ee ugu dhulka ballaaran dalkan Jarmalka, gobolka Bayern oo keliya ayaa ka dhul weyn.
Shimbirta noocaan ah magaceeda oo Af-Soomaali ah hoos kusoo qor.
Waxa soo wariyay Ahmed Kadiye