Maareeye Daaroodow Doodu waa Kursiga W/Q: Cali Cabdi Coomay
April 9, 2025 - Written by admin
Maareeye Daaroodow Doodu waa Kursiga
W/Q: Cali Cabdi Coomay
= Cabdilaahi Yuusuf Axmed ‘AHN’ oo soo noqday Madaxweynaha Puntland iyo Soomaaliya ayaa waraysi ku sheegay in markii uu xilka hayey ay Wadaaddada qaarkood ku sheegi jireen inuu Murtada ama gaal yahay. Sidoo kale markii uu kursiga ku fadhiistay Sheekh Shariif ee uu madaxweynaha noqday isna waa murtada lagu yidhi isaga oo wadaad ah. Markaa kursiga ayaa murtad ah, ayaa laga hayey. Sidaasi oo kale weerarrada ku socda Maareeyaha waa kursiga uu ku fadhiyo, oo berri haddiiba dhacdo in la beddelo cidi soo hadal qaadi mayso. Waa shay ka mid ah Sunnaha nolosha in xilka culays ku soo kordhiyo qofka.