Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro oo Kulan Casho Sharaf Ku Maamuusay Abwaaniinta Iyo Fanaaniinta Somaliland
April 11, 2025 - Written by admin
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa kulan casho sharaf ah caawa Qasriga Madaxtooyada kula qaatay Abwaannada, Fannaaniinta, iyo qaybaha kala duwan ee bahda dhaqanka reer Somaliland.
Kulankan casho sharafta ah oo ka mid ah kulammo is daba joog ah oo uu Madaxweynuhu hore ula qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana ay ujeeddadiisu ahayd mahadnaq uu Madaxweynuhu ugaga mahad naqayey kaalinta muhiimka ah ee ay bahda dhaqanku ku leeyihiin wacyi-gelinta , hagista, ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka bulshada, iyo wadajirka iyo midnimada ummadda Somaliland.