1. Fadhigii 15-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland,waxana lagaga hadlayo qoddobo muhiim ah oo la xidhiidha arrimaha dhaqaalaha, nabadgelyada iyo kaabeyaasha bulshada.
2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa kulan casho sharaf ah Qasriga Madaxtooyada ugu sameeyay Abwaannada, Fannaaniinta, iyo qaybaha kala duwan ee bahda dhaqanka reer Somaliland.
3. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa la kulmay madaxa Xafiiska Dawladda Boqortooyada Ingiriiska ay ku leedahay Hargeysa ee xilka ka degaya Mudane ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ iyo madaxa cusub ee loo soo magacaabay isla Xafiiskaasi Marwo ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ iyo masuuliyiin kale
4. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa kulan muhiim ah la yeeshay madaxa Hayโadaha Qarammada Midoobay, ahna masuulka ugu sarreeya Arrimaha Bini’aadannimada isla markaana ah Ku xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. George Conway iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayey oo uu ka mid ahaa madaxa Xafiiska UN OCHA Blaise Kabongo Mujika iyo Saraakiil sare oo ka tirsan Xafiiska UN-ta ee Somaliland.
5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa kulan Hadhimo-Sharafeed ah Qasriga Madaxtooyada ugu sameeyey Ganacsatada kala duwan ee reer Somaliland.
6. Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo Weftigii u hoggaaminayey ee socdaalka shaqo ku joogay Gobolka Sanaag ayaa magaalada Ceel-Afweyn kulan kula yeeshay qaar kamid ah madax-dhaqmeedka, Waxgaradka, iyo ganacsatada Gobollada Togdheer, Saanaag ,Saaxil iyo Saraar.
7. Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo Weftigii u hoggaaminayo ayaa deegaanka Tuurka ee Degmada Gar-Adag kaga qaybgalay munaasabad ballaadhan oo lagu qaramaynayey Ciidamo Madani ah iyo Gadiidkoodii dagaalka.
8.Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo Weftigii u Hoggaaminayey ayaa Degmada Gar Adag ku qarameeyey Ciidan Madani ah iyo Gadiidkoodii oo ku sugnaa degmadaasi.
9. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa tilmaamay in hawlgalka diiwaangelinta Ciidamadu uu yahay waajib qaran oo ay goโaamisay Xukuumadda Somaliland, iyagoo ciidan weynaha Somaliland ku guubaabiyay inay ka faaโiidaystaan fursadan muhiimka ah oo xuquuqdooda wax badan ka taraysa.
10. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Bloomington ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.
11. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdalle Maxamed Carab oo uu wehelinayaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliland ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxa Hayโadaha Qarammada Midoobay, ahna masuulka ugu sarreeya Arrimaha Bini’aadannimada isla markaana ah Ku xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Mr. George Conway.
12. Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa safar shaqo ku tagay gobollada bariga si ay ugu kuur galaan xaaladda nabadgelyo ee ka jirta deegaannada hoos yimaada gobollada Saraar iyo Sanaag.
13. Xukuumadda JSL ayaa war-murtiyeed ku cambaaraysay socdaalka Raysal-wasaaraha Muqdisho lagu wado inuu ku yimaado magaalada Laascaanood, waxaanay tilmaantay in dawladda Soomaaliya ay dusha ku qaadi doonto masuuliyadda wixii ka yimaada daandaansiga ay ku hayso Somaliland.
14. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta ahna afhayeenka xukuumadda Axmed-yaasin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa shir jaraaโid oo u ku qabtay xafiiskiisa ku naqdiyay socdaalka Raysal-wasaaraha Muqdisho ku doonayo inuu ku yimaado magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
15.Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa kulan la yeeshay bahda dhaqanka ee Somaliland, iyada oo wasaaradu isu diyaarinayso in ay 22 ilaa 23ka bishan ay caasimada Hargeysa ku qabato Shirweynaha Dhaqanka Somaliland.
16. Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdinaasir Axmed Xirsi oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya, ayaa booqasho ku tegay Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay dalka Kenya.
๐๐๐ฑ๐ ๐ฐ๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐๐ง ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐ฒ ๐ฑ๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐ฅ๐ค๐ ๐ฐ๐๐ซ๐๐ซ๐ค๐ ๐๐ ๐ฐ๐๐ค๐๐๐ฅ๐๐๐๐๐ ๐ฐ๐๐ซ๐๐ซ๐ค๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐