Guuldarradii lama filaan ahayd: maxaa sababay hoos u dhacii xisbiga KULMIYE ee doorashadii madaxtooyada Somaliland 2024?
Doorashadii madaxtooyada Somaliland ee 2024 waxay astaan u noqotay isbedel weyn oo siyaasadeed, iyadoo dadka intooda badani ay aad ula yaabeen hoos u dhicii weynaa ee ku yimid xisbigii talada hayay, KULMIYE. Inkasta oo xisbigu uu muddo dheer ahaa midka ugu saameynta badan siyaasadda Somaliland, haddana natiijada doorashada waxay muujisay in kalsoonidii shacabka ay si wayn u hoos ugu dhacday. Su’aasha is-waydiinta mudan ayaa ah: Maxay ahaayeen sababaha keenay guuldarradan lama filaanka ah?
Maqaalkan waxa uu si qoto dheer u falanqeyn doonaa qodobbada ugu muhiimsan ee hoos u dhigay taageerada KULMIYE, waxa uu sidoo kale eegi doonaa khaladaadka xisbiga iyo sida ay mucaaradku uga faa’iidaysteen daciifnimadiisa. Ugu dambeyn, waxa uu maqaalka ku soo gunaanadi doonaa talooyin muhiim ah oo xisbiga KULMIYE ka caawin kara dib-u-dhiska siyaasaddiisa.
1. Daal Siyaasadeed: xisbi waqti dheer joogay oo kala daadanaya
Muddo dheer oo xisbiga KULMIYE hayay talada Somaliland waxay keentay daal siyaasadeed (Political Fatigue). Xisbiyada siyaasadda kama duwana qofka bini’aadamka; haddii muddo dheer la joogo masraxa siyaasadda, waxaa dhacda in ay lunto firfircoonidii hore. Xisbiga KULMIYE waxa uu xukumayay Somaliland tan iyo 2010, taasoo ka dhigan 14 sano oo xukun ah, waxaana ka dhashay:
b) Isbeddel la’aan hoggaamineed: Inkasta oo hoggaanka xisbiga uu isbeddelay, haddana falsafadda iyo qaab-dhismeedkii xisbiga waxa ay ahaanayeen kuwii hore, taasoo keentay in shacabka ay dareemaan caajis siyaasadeed.
t) Kala daadsanaanta gudaha xisbiga: Xubno muhiim ah oo hore uga tirsanaa KULMIYE waxay bilaabeen in ay kala go’aan, qaarkoodna waxay u wareegeen xisbiyada mucaaradka ah.
j) Taageerayaashii xisbiga oo ka niyad jabay: Dadkii hore ugu codeyn jiray KULMIYE waxay ka cabanayeen in xisbiga uusan wax horumar ah u keenin, taasoo sababtay in ay door bidayaan mucaaradka.
2. Hoggaan tabar-daran iyo siyaasad dib-u-dhacday
Hoggaanka xisbiga KULMIYE wuxuu la kulmay caqabado waaweyn oo keenay in taageerayaashu ay lumaan. Waxaa ka mid ah:
b) Fikir cusub la’aan: Hoggaanka xisbiga ma keenin aragti cusub oo wax-ku-ool ah si uu ugu qanciyo shacabka in xisbiga uu yahay mid u qalma in mar kale lagu aamino hoggaanka dalka.
b) Maqnaanshaha xidhiidhka shacabka iyo xisbiga: KULMIYE wuxuu lumiyay xidhiidhkii tooska ahaa ee uu la lahaa shacabka, taasoo keentay in dadka ay dareemaan in aan la dhagaysan cabashadooda.
j) Siyaasado gaboobay: Mucaaradku waxay la yimaadeen siyaasado iyo aragtiyo cusub oo soo jiitay shacabka, halka KULMIYE uu sii watay siyaasadihii hore, kuwaas oo aan la jaanqaadi karin xilligan casriga ah.
X) Siyaasiyiin gaboobay ayaa iyaguna ku maran xisbiga: Xisbiga KULMIYE waxaa si weyn u saameeyay inay hogaaminyaan odayaal waayeel ah, taasoo dhalinyarada iyo qaybaha kale ee bulshada uga dhigtay xisbi aan isbedel doon ahayn.
3. Dhicitaankii dhaqaalaha iyo xukuumad daciif ah
Doorashadu waxay ku soo beegantay xilli shacabka Somaliland ay la daalaa dhacayeen caqabado dhaqaale oo aad u culus. KULMIYE, oo ahaa xisbigii talada hayay, waxaa lagu eedeeyay:
b) Hoos u dhac dhaqaale: Sicir-barar, shaqo la’aan, iyo koror ku yimid qiimaha maciishadda ayaa sababay in dadka intooda badan ay dareemaan in xisbiga talada haya uusan waxba u qaban karin.
t) Musuqmaasuq baahsan: Dad badan ayaa aaminsanaa in KULMIYE uu noqday xisbi ay hareeyeen musuqmaasuq iyo wax is-daba marin, taasoo keentay in dadku waayaan kalsoonidii ay ku qabeen dowladdiisa.
j) Maamul-xumo iyo adeegyo daciif ah: Adeegyada dowladda (sida caafimaadka, waxbarashada, iyo biyaha) waxay noqdeen kuwo aad u liita, taasoo ka niyad jebisay shacabka.
4. Mucaarad xoog leh oo si farsamaysan uga adkaaday
Xisbiyada mucaaradka, gaar ahaan WADDANI iyo KAAH, waxay si xeeladaysan uga faa’iidaysteen daciifnimada KULMIYE. Waxay sameeyeen:
b) Ol’ole si fiican loo qorsheeyay: Mucaaradku waxay heleen taageero ballaadhan iyagoo ka faa’iidaysanaya khaladaadka KULMIYE.
t) Fariimo cusub oo soo jiitay dhalinyarada: Mucaaradka waxay si gaar ah ula hadleen dhallinyarada oo aad uga cabanayay xukuumadda, iyagoo u muujiyay inay yihiin isbedel doon.
j) Xidhiidh adag oo ay la sameeyeen bulshada: Xisbiyada mucaaradka waxay si dhow ula shaqeeyeen shacabka, taasoo sababtay in dad badan ay u arkaan in mucaaradku yahay mid xal u heli kara dhibaatooyinka taagan.
Guuldarradii KULMIYE ee doorashadii 2024 waxay ahayd mid laga baran karo casharo aad u waa weyn . Haddii xisbigu uu doonayo inuu mar kale soo laabto, waa inuu dib u habeeyo siyaasaddiisa, qaab-dhismeedkiisa soo ceshado kalsoonida shacabka, una muuqdo xisbi la jaanqaadi kara wakhtigan casriga ah.
© 2025 Moh’et Ollat
Political Analyst & Writer
This article reflects the personal view of the author. All rights reserved.
********Fiiro Gaar ah********
Fiiro Gaar ah: Qoraalkan Waxa Masuuliyadiisa iska leh Qoraaga, Bogguna Waxa uu tix gelin siinayaa soo Gudbinta Aragtiyaha Dadka ku xidhan.