berberatoday.com
Xaguu Inaga Soo Galay Magaca Xukumada Cusubi Sheegato ee Wadajir Iyo Waxqabad
April 15, 2025 - Written by admin
‘Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad’
Somaliland, tiraba dhawr jeer waxa aan arkay dad afka xukuumadda ku hadlaya oo isugu yeedhaya magaca ‘Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad’. Heer warsaxaafadeedadooda gaadhsiisanna ay marayso.
Aslanba, dhaqanka ah in xukuumadi magac la baxdaa halkee inaga soo galay? Somaliland caadadani ma ka jirtay? Mise qofku isaga oo aan fahansanayn ujeedka ka danbeeya weedhaha uu isticmaalayo ayuu wax uu arkaba iska qaadanayaa oo iskala baxayaa ama iska odhanayaa?
Dhaqanka ah in xukuumadi magac la baxdo, oo Muqdisho ka jiray, taas oo raysalwasaarayaashu marba isbeddelaan, malaha duruuftaasina ay ku qasbaysay si gaar ahna muddo xileedkii Farmaajo soo xoogaystay in xukuumad kastaa astaan u gaar ah yeelato, yaa Hargeysa keenay?
Haddii xukuumadda Xamse ‘Dan Qaran’ la dhaho, tii Khayrena ‘Nabad iyo Nolol’ la odhan jirey, adiguna magac baad iskala baxaysaa miyaa? Horta ‘National Identity’ iyo caadooyinka dawliga ee in la jebiyaa aanay mudnayn ma ku baarurugsan tahay kooxda meesha joogtaa? Mise waxbay iska caashaqayaan iyaga oo duruufta iyo waayaha u eegin?
Somaliland, xukuumada joogtaa waxa ay leedahay astaanta ah ‘Xukuumadda Somaliland’ sidaas ayay warbaahin ahaan iyo warsaxafaadeed ahaan ba loo tebiyaa. Halku-dheg waa la samaysan karaa sida xilligii ololaha, oo haddana sii jiri kara, laakiin farqiga halku-dheg iyo magac u dhexeeya ma u duuban tahay xerta waxa keentay?
Somaliland, waxa ay leedahay hab dhaqan dawli ah oo la yaqaan, waxaa se rogaya dad iska masaakiin ah oo halkii ay ahayd in iyaga wax laga eegto oo hal-abuur la yimaaddaan isaga jabsan waxa ay arkaan, iyaga oo aan waxba iska weydiinayn.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews