Dawlada Mareykanka oo Joojisay Gabi Ahaanba Dhaqaalihii Ay Kaga Qeyb Qaadan Jirtay Ciidamada Nabad Ilaalinta Ujooga Muqdisho
April 19, 2025 - Written by admin
Dawldda Maraykanka ayaa gebi ahaanba diidday in ay bixiso qaybtii ay ku lahayd lacagta qaadhaanka ah ee la siiyo ciidanka Nabad ilaalinta Soomaaliya u jooga gaar ahaanna hawl galka cusub ee AUSSOM.
Washington oo dhaqaalaha badankiisa bixin jirtay ayaa si cad u diidday dalab uga yimi Qaramada Midoobay oo ahaa in ay bixiso qaybtii ku soo hagaagtay taas oo abuurtay walaac aad u balaadhan.
Hawl galkan cusub ee la doonayo in ay taageeraan dawladda Soomaaliya ayaa hadda wajahaya dhaqaale xumo iyada oo laga cabsi qabo in ay ciidanka Afrika iskaga baxaan Soomaaliya haddii loo waayo mushaharka iyo lacagihii ay ku shaqayn lahaayeen si loo sugo amniga Soomaaliya.