Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ee Saldhiga Bariga Gobolka Sanaag oo Soo Qabqabtay Doonyo Ajinabiya oo Kaluumaysi Sharcidaro Ah Bada Somaliland Kaga Guranaayay
April 24, 2025 - Written by admin
Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ee bariga ayaa hawl gal ay ka sameeyeen xeebta Laasqoray, waxa ay ku soo qabteen Doonyo Kalluumaysi oo si sharci darro ah uga Kalluumaysanayey halkaasi.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland, hase yeeshee sida ay MMTV u xaqiijiyeen ilo wareedyo xogogaal ah, waxa hawl galkan oo Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland gacan ka siiyeen dadka deegaanku ujeeddadiisu ahayd ka hortagga Kalluumaysiga sharci darrada ah ee Xeebaha bari ee Somaliland, halkaas oo muddooyinkii dambe ku soo badanayeen Doonyaha ka sameeya kalluumaysiga sharci darrada ah, kuwaas oo saamayn ku yeeshay kalluumaysatada deegaannada Xeebaha bariga Somaliland, oo Laasqoray ku jirto.
Warku waxa uu intaasi ku daray in aanay jirin doonyo hub siday oo lagu qabtay Xeebta Laasqoray ee ay Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland ka sameeyeen hawl galka.