Cabdikariin Cali Ayaanle Muwaadinkii Soo Bandhigay Baahidiisa ee Xadhiga Loogu Beddelay Somaliland”W/Q Maxamed Faarax Qoti
April 25, 2025 - Written by admin
Cabdikariim Cali Ayaanle oo aan wax ka qoray xaaladdiisa nololeed ee uu ku sugnaa iyo duruufo adag ee hadheeyey noloshiisa hilaadii 16 bishan April sannadkan 2025-ka, ayaa illo xoggogaal ahi ii sheegeen in ehelkiisii ay xidheen.
Halganka waayaha nolosha turunturo lagama waayo, waana muhiim in aad damqato, una muujiso naxariis, oo aad la dareen noqoto qofka waayuhu uu ku adkaado,haddii ay noqon lahayd murugo, cadho ama niyad jab.
Isla markaanna aad qoraal ku baahiso mareegaha wararka, adigoo dareenkiisa dajinaya oo u raadinaya sidii uu u heli lahaa taageero dhaqaale iyo daryeel wanaagsan oo uu ku noolaado, ka dibna, wax lagala qabto hawsha uu is leeyahay waad ku nafisaysaa.
Cabdikariin muu ahayn qof maskaxda ka jiran oo qaba xannuunka waalida, waxa uu ahaa qof caafimaad qaba, laakiinse, waayuhu uu hadheeyey, taasina waxay u baahnayd in uu helo dejin iyo daryeel uu ku noolaado, nasiib darro’se, maanta in ay ehelkoodu u arkaan in magacoodii iyo sumcaddoodii uu wax u dhimay, isla markaana ay u taxaabaan xabsiyada sharci darada ee loo oona yaqaan cilaajka. laguna xidho qof maskaxda ka caafimaad qaba iyo qof xannuunsanayaba.
Sababaha keenay in aan baahiyo xaaladda duruufeed ee uu ku sugnaa Cabdikariin ayaa ahayd in wax la taro, lana daryeelo, laakiinse, ujeeddadu may ahayn in ehelkiisu dhibaato labaad oo hor in ay ubgeystaan, taasoo sababaysay in uu si toos ah uu u waayo xiskiisa.
Waxaan halkan si naxariis leh uga codsanayaa ha’yadda illaaliya xuquuqda baniaadamka ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo kuwa madaxbanaan, iyo dhamaan Warbaahinta Jamhuuriyadda Somaliland oobhore uga qeyb qaatay soo bandhigista xaaladdiisii nololeed, in dabagal lagu sameeyo, lana raadiyo, xuquuqdiisiina loo soo celiyo Cabdikariin Cali Ayaanle.
Qoraa Maxamed Faarax Qoti