berberatoday.com
Maalmihii Ugu Danbeeyay Noloshiisa Ee Cusbitaalka iyo Xasuus Qorka prof M S Gees
May 3, 2025 - Written by admin
Maalmihii Ugu Danbeeyay Noloshiisa Ee Cusbitaalka iyo Xasuus Qorka prof M S Gees.
Waxaa xusid mudan in markii xeerarkaas goluhu ansixinayey madaxwayne Cigaal uu booqasho ku joogey Gobolka Sanaag, markii uu ku soo noqday caasimada wuxuu isla markiiba telefoon kula hadlay Cabdiqaadir Jirde oo uu ka waraystay halkay marayaan xeerarkii horyaalay golaha wakiilada, wuxuu u sheegay inay ansixiyeen xeerarkii dorashada golayaasha deegaanka iyo madaxtooyada. Wuxuu President Muhammad Haji Ibrahim Egal diyaar u ahaa inuu sii kala diro Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland laakiin hadase aad iga baxsateen. Waxaa kale oo xusid mudan barnaamij uu marxuumkii damacsanaa oo uu lageeriyooday iyadoo aan cidna ogayn Alle ha u naxariistee.
Waxaa dhacday sadex maalmood ka hor geeridiisii inuu siiyey BBCda waraysi anagoo joogna qolkii uu ku jiray ee cusbitaalka magaalada Biritooriya uuna la soo xidhiidhay Yuusuf Garaad. Waraysigaa ka hor wuxuu la soo xidhiidhay Yuusuf Garaad wasiirkii warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo uu waydiiyey war ahaa waxaa geeriyooday madaxwaynihii. Cabdilaahi intuu ladagaalamay ayuu telefoonkii ku dhigay.
Aniga ayuu ila soo hadlay Yuusuf aroortii oo markaa ahaa wasiirka arimaha dibada oo isla su’aashii iwaydiiyey, waxaa u sheegay inaanu warkaasi waxba ka jirin oon waliba u balaminayo madaxwaynaha si uu ula soo hadlo waxaan siiyey lambarkii mobilka madaxwaynuhu haystay waxaana la balamay todobada fiidnimo inuu nalasoo hadlo.
Wuxuu nala soo hadlay anagoo lafadhina qolkii madaxwaynaha Cigaal kana kooban
1. Marwadii Madaxwaynaha Kaltuun X. Daahir Cigaal
2. Wasiirkii Arimaha Dibada, Maxamed Siciid Gees
3. Wasiirkii warfaafinta, Cabdilaahi Maxamed Ducaale
4. Gudoomiyaha Baanka, Cabdiraxmaan Ducaale
5. Dr, Cali Qaadi
6. wakiilka Soomaaliland ee S/Africa Iqbaal
markii waraysigii dhamaaday ayaa Yuusuf garaad waydiiyey madaxwaynihii maxaan dadkii iyo dalkii kaa gaadhsiiyaa Cigaal waxa uu faray fariin ay ku jirtay inuu yidhi waxaan maqlayey inla yidhi waxbaa la kordhinyey majirto wax la kordhin karaa. Waxaa jirtay in telefoon naloogu soo sheegay intaan soo maqnayn in golihii guurtigu u kordhiyey golaha wakiilada mudo halsano ah iyadoo waqtigoodu ku ekaa may 2002 warkaas ayuu ku maqlay South Africa oo uu kaxanaaqay, iyadoo ay cadayd in aanu doonayn in loo kordhiyo
markii aan ku noqday hutelkii aan deganaa aya waxa ila soo hadlay Yusuf Garaad intii aanu siidayn waraysigii madaxwaynaha waxa uu I waydiiyey in uu sii daayo fariintii madaxwaynaha isagoo abaal iiga dhigayey balantii aan usoo sameeyey. Waxaan ku dhahay ka goy anigoo ka fakerayey in aanay qurux badnayn in madaxwaynuhu amar ka bixiyo BBCuu kula hadlayo golihiisi kale oo ay ku fiican thay in marka laysu tago laga wada hadlo. Waraysigii waa la siidaayey anagu nasiib uma aanu helin in aanu dhageysano lakin waxaa lanoo sheegay in fariintii iyo hadalkale oo madaxwaynuhu kula hadlayey Cabdiqaasim laga jaray.
Markii uu ogaaday madaxwaynihii in aan fariintii BBC News Somali laga sii dayn ayuu igu amray in aan raadiyo waraysigii la siidaayey oo aan hargeysa la hadlo,
lama oga waxaa uu ka yeeli lahaa kordhinta golaha wakiiladda iyo marka uu ogaado in aan anigu waraysigaa fariinta ka reebay waxa uu yeelli lahaa.
.
.
Illaahay Ha unaxariiso.
No photo description available.
 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews