Xisbiga Mucaraadka Ah ee Kulmiye oo Go,aamo Ka Soosaaray Shir Muhiima Ay Ku Yeesheen Xaruntooda Guud ee Hargeysa”Daawo muuqaal
May 4, 2025 - Written by admin
Shir ballaadhan oo uu xisbiga KULMIYE ku yeeshay xarunta dhexe ee xisbigu ku leeyahay magaalada Hargeysa, ayaa lagaga wadahadlay qodobo kala duwan oo ay ka mid yihiin nabadda deegaanka Ceel-afweyn, maxaabiistii la sii daayey, weerarka maamulka Xamar ku soo qaaday xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Taiwan ee Xukuumaddii dalka loo doortay difaaci kariwayday iyo cabudhinta Xukuumaddu ku bilowday saxaafadda iyo xorriyatul-qawlkii dalka Somaliland.