Madaxwyne Kuxigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw-Cabdi oo Soodhaweyn Heer Sare Ah Hargeysa Loo Sameeyay”Daawo Muuqaal
May 7, 2025 - Written by admin
Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw-Cabdi iyo waftigii balaadhanaa ee uu hogaaminaayey ayaa maanta (07.05.2025) si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa .
Madaxweyne ku-xigeenka iyo waftiga uu hogaaminaayey ayaa muddo ka badan 70 maalmood safar shaqo ugu maqnaa Gobollada Bariga Somaliland.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL iyo weftigiisu waxa ay soo fuliyeen hawlo muhimmad weyn u leh dadka iyo dalalka, hawlaasi waxa ugu mudan Qaramadeynta Ciidamada Madaniga ah iyo nabadda ay ka xidheen Degmada Ceel Afweyn.