Ciyaartoygii Caalamka Caanka Ahaa ee Nwankwo Kanu oo Maanta Hargeysa lagu Soodhaweynayo Iyo Sababta Imaanshiiyihiisa
May 17, 2025 - Written by admin
Nwankwo Kanu oo ah weerar yahankii hore ee xulka Nigeria ayaa maanta la filayaa in uu soo gaadho Somaliland, weerar yahan kan ayaa u soo ciyaaray kooxaha Arsenal, Inter Milan, Ajax iyo West Bromwich Albion.
Ciyaartoygan ayaa caanka ahaa dunnidda kubada Cagta, gaar ahaanna waxaa aad loogu bartay naadiyadda ka dhisan Qaarada Yurub, waxa uu dhashay 1 Ogosto 1976-kii magaaladda Owerri ee waddanka Nigeria.
Waa ciyaartoy laba jeer ku guulaystay xidiga Qaarada Afrika, kooxda Arsenal-na waxa uu kula guulaystay 2004-tii horyaalka dalka Ingriiska.