Dawlada Ingiriiska oo Diyaarisay Mashruuc Lagu Dhufaanayo Raga Kufsiga Caadaystay
May 24, 2025 - Written by admin
Mashruuc lagu dhufaanayo raga kufisiga caadeysta ee Uk ayaa lagu fulin doonaa illaa 20 xabsi oo dalkaas ku yaal sida ay Wasaaradda Caddaaladdu shaacisay.
Wasiirradda Caddaaladda UK Shabana Maxamuud ayaa sheegtay in qorshahan laga hirgelindoono degaamo dhaca koonfur-bari ee Ingirriska, ka dib markii qiimeyn madaxbannaan lagu sameeyay in door ay ka qaadan doonto talaabadani yaraynta Kufsiga.
Wasiiradda ayaa intaas ku dartay in ay ka fikireyso in dhufaanka loo adeegsado Maado kiimiko ah Haseyeeshee ma sheegin xilli cayiman oo qorshahaas la fulinayo.