Shaqaalahihii Xarunta Xisbiga Waddani Oo La Dareeriyay!W/Q Najax Aadan Cunaaye
May 28, 2025 - Written by admin
Shaqaalihii Xarunta Xisbi xaakimka Waddani ayaa laga joojiyay shaqada iyo mushahaarkiiba.
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa bishii hore la kulmay shaqaalaha waxaanu u sheegay in ay u shaqo tagaan xukumadda ka dhalatay xisbiga.
Shaqaalaha ayaa ku dooday in la sugo inta fursado shaqo soo baxayaan laakiin, guddoomiyaha ayaa u muuqda in uu go’aankiisa ku socday waxaana shaqo la’aan ah hadda shaqaalihii rasmiga ahaa ee muddada dheer ka soo shaqeeyay Xarumaha xisbiga.
Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa dhawr bilood u dul qaadan waayay shaqaalihii xisbiga tacabka soo gashaday xilligan oo aanay jirin fursado shaqo oo xukumadda Waddani weli abuurtay maaddaama ay muddo kooban joogtay.
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ayaa durba Dib u habayn ku bilaabay Xisbiga, isaga oo si ku meel gaadh ah xaruntii Xisbiga ugu raray Degmadda Ibrahim Koodbuur ee Hargeysa.