Qisadii Maykal Maariyaano iyo Salool ee Hudheelkii Muqdisho. W/Q : Cali Cabdi Coomay
June 9, 2025 - Written by admin
Qisadii Maykal Maariyaano iyo Salool ee Hudheelkii Muqdisho.
W/Q : Cali Cabdi Coomay
Maykal Maariyaano wuxuu nin Habar Jeclo ah oo Uduruxmiin ah, balse gaaloobay. Clement Salool isna wuxuu ahaa nin Habar Jeclo ah oo reer Daahir ah, isna gaaloobay. Waxa ay yimaadeen
Muqdisho, waana intii uu socday midab kala-soocii uu Talyaanigu waday. Hudheelladda waxa ka jiray isir kala-sooc. Intii aanay iman waxa ay qolol ka sii qabsadeen hudheelka la odhan jiray Croce Del Sud. Hudheelkani wuxuu ahaa mid ay reer yurub oo keliyi galaan.
Markii ay hudheelkii yimaadeen, mulkiilayaashii hudheelku way yaabeen, maadaama oo ay moodayeen in labadan nin ee magacyada Kiristaanka wataa ay yihiin caddaankii Reer Yurub.
Dood ayaa ka dhex dhacday oo mulkiileyaashii hudheelka ayaa doonay inay ka noqdaan labadii qol ee ay kiraysteen. Laakiin waxa soo dhexgalay maamulkii Ingiriiska, waana loo yeelay qololkii.
Markaa Maariyaano iyo Salool waxa ay noqdeen Soomaalidii ugu horraysay ee madow ah ee dega hudheelka Croce Del Sud oo jebiya xeerkii midab kala-sooca ee wakhtugaasi.
Tixraac: Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan….. Siyaasadda Dhagar Walaal. Turjumiddii Maxamed Xirsi.