Dr. Pratik Joshi wuxuu lix sano ku noolaa London, waxa uu ku shaqaynaayay duruufo adag waxa uu ku fakari jiray sidii uu nolol wanaagsan ugu abuuri lahaa qoyskiisa – xaaskiisa iyo saddex caruur oo u joogay Dalka Hindiya.
Wuxuu lahaa hal riyo ah in uu maalin qoyskiisa la midoobo, nolol cusubna uga bilaabo meel ammaan ah, fursado badan leh. Sanado uu sugaayay, qorsheeyay, wuxuuna gudbay caqabad walba oo uu wajahay. Ugu dambeyn, riyadiisii wey rumoowday.
Laba maalmood kahor, xaaskiisa Dr. Komi Vyas – oo iyaduna dhakhtar ahayd – waxay iska casishay shaqadeeda. Boorsooyinkeeda ayay xirxirteen. Qaraabadii wey sagootiyeen. Indhahoodana waxaa ka muuqday rajo, farxad iyo hammi.
Subaxnimadii saaka, dhammaantood waxay fuuleen Diyaaradda Air India – Duulimaadka 171, iyagoo wajahayay safar hal-jid ah oo ay ku gaari lahaayeen nolol cusub. Intay diyaarada saarnaayeen, waxay qabsadeen sawir-selfie ah, waxayna u direen ehelkooda, iyagoo u sheegayay in “nolosha cusub” ay hadda bilaabatay.
Laakiin… ma aysan gaarin riyadoodii Diyaaraddii way burburtay. Qoyskiina dhamaan waxa ay ku dhinteen shilkaas.
Hal daqiiqo gudaheed, riyooyinkii sanado badan la dhisayay ayaa isu beddelay mid aan soo laabasho lahayn. Hamigii ay wateen, mustaqbalkii ay qorsheeyeen, iyo jacaylkii ay wadaageen – dhammaan wuu baaba’ay.
Sheekadoodu waxay noqotay xusuus naxdin leh oo muujinaysa in noloshu tahay mid daciif ah, aan la saadaalin karin, islamarkaana aysan jirin wax gacanteena ku jira.
May be an image of 5 people and aircraft