Khasaaraha Ka Dhashay Ganaalo Iran Ku Garaacday Magaalooyinka Israa,iil
June 15, 2025 - Written by admin
Iraan ayaa gantaalo ku garaacday guud ahaan Israa11l, waxaana bartilmaameedyada muhiimka ka mid ah magaalooyinka Haifa iyo Tel Aviv, waxaana ku dhintay ugu yaraan 7 qof, sida ay sheegeen dhakhaatiirta iyo warbaahinta gudaha İsraa’11l.
Weerarada ayaa yimid kadib markii ciidamada İsraa’11l ay duqeeyeen kaabayaasha tamarta, xaruma Ciidan, Xaruma İsbitaal iyo rayidka Iraan, iyagoo dab qabadsiiyay xarunta saliida ee Shahran ee Tehran.
Milateriga Israa’11l ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen goobo “la xiriira mashruuca hubka nukliyeerka ee Iraan”.
Warbaahinta Iraan ayaa sheegtay in weerarrada Israa’11l ay ku dhinteen ugu yaraan 80 qof ayna ku dhaawacmeen 800 oo kale labadii maalmood ee la soo dhaafay. Dadka la dilay waxaa ku jira 20 caruur ah.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in isaga iyo dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin, ay isku raacsan yihiin in colaadda u dhaxeysa Israa’11l iyo Iraan ay tahay in la soo afjaro. Iraan ayaa laashay wareeggii lixaad ee wadahadalka Nukliyeerka ee ay la lahayd Mareykanka, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda Cabbaas Araghchi uu sheegay inaysan jirin wax sabab ah oo lagu sii wado wadahadallada iyadoo la eegayo weerarada joogtada ah ee Israa11l.
Maanta ayuu ahaa qorshaha in wareeggii lixaad ee wadahadalka Nukliyeerka ee ay la lahayd Mareykanka ka qabsooma dalka Cumaan.