Wariye Cabdirisaaq Qaasin Jaamac oo Kamida Warbaahinta Gobolka Saaxil oo Lagu Xidhay Xarunta C.I.D da hargeysa
June 23, 2025 - Written by admin
Wariye Cabdirisaaq Qaasin Jaamac oo kamida Warbaahinta Gobolka Saaxil ahna Wakiil Wareedka Saab TV ayaa xalay lagu xidhay Berbera saakana Waxa loo soo qaaday Dhinaca magaalada Hargeysa oo waaranka qabashadiisa looga soo jaray.
Wariyaha ayaa sida Aanu xog ku helay la gayn doonaa xarunta C.I.D da Hargeysa oo dambiga loo haysto wax lagaga weydiin doonaa lagu xabsi doonaa.
Xadhiga Wariye Cabdirisaaq Qaasin Jaamac ayaa waxa la sheegay inuu ka dambeeyo uu soo dacweeyay Xildhibaan Maxamed Khadar oo katirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo ku eedaynayo inuu War ka qoray mashruuc uu Xildhibaanku qaatay oo ah Daabacada Shahaadooyinka Dugsiyada sare iyo Kuwa dhexe ee Somaliland