berberatoday.com
“Hogaanka Xisbiga Kulmiye Iyo Gududa Fulinta Waxan Ugu Baaqayaa In Wixii Ismari Waaya Lagu Dhameeyo Wada Tashi”Anwar Cabdiraxmaan Warsame
June 28, 2025 - Written by admin
“Maalmihii u dambeeyay waxa muuqday khilaaf ka dhex-aloosan Xisbiga Kulmiye. Ugu horayn, waxa aan ugu baaqayaa hogaanka iyo Guddida fulinta Xisbiga in ay isku ururiyaan kaadirka Xisbiga, islamarkaana wixii ismari-waa ah lagu dhammeeyo wada-tashi iyo isu-tanaasul iyada oo la raacayo shuruucda dalka iyo xeer-hoosaadka Xisbiga.
Madaxda iyo hogaanka Xisbigu waa in ay ku baraarugsanaadaan maxsuulka laga dhaxlo khilaaf jiitama oo halka uu ku dambeeyo uu tusaale fiican inoogu yahay Xisbigii UDUB, ee Markii uu talada ka dagay ka baxay saaxadda Siyaasadda.
Waxa aan markale ku adkaynayaa hogaanka iyo Guddida fulinta Xisbiga Kulmiye in ay u fikiraan mustaqbalka Xisbiga oo ay meel iska dhigaan kala riixashada danaha iska hor-imanaya.
“Xisbiyada siyaasaddu waa tiir muhiim u ah Dawladnimada dimuqraadiga ah ee ku salaysan hannaanka Xisbiyada badan.
Xisbiyadu waa halka lagu qaabeeyo afkaarta Siyaasadda iyo aragtida dadweynaha. Waa madal lagu falkiyo siyaasado qaran. Waa dugsi lagu soo carbiyo siyaasiyiinta iyo sallaanka laga soo fuulo hogaanka dalka.
Haddii aan la tayayn oo aan la adkayn isku-xukunka sharciga ee Xisbiyada dhexdooda suurtagal noqon mayso in aynu helno dawladnimo tisqaada.
Xidhiidh toos ah ayaa ka dhaxeeya tayada Xisbiyada Siyaasadda iyo tayada Dawladnimada” Anwar C/raxmaan
Anwar C/raxmaan Warsame.
May be an image of 1 person and suit

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews