Xukumada Somaliland oo faahfaahisay Kulan Ay Wada yeesheen Madaxweynaha JSL Iyo Ra,isal Wasaaraha Dalka Qatar
June 30, 2025 - Written by admin
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa kulan heer sare ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, H.E. Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Bin Jasim Al-Thani.
Kulankan ayaa lagaga wada hadlay horumarinta iskaashiga iyo xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Qatar.
Labada dhinac waxay ka wada hadleen fursadaha iskaashi ee dhinacyada ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta, waxbarashada, iyo maalgashiga, iyada oo ujeedadu tahay horumarinta kobaca dhaqaalaha iyo xasilloonida gobolka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisul Wasaaraha Qatar waxa kale oo ay ka wada hadleen Nabadda iyo Xasiloonida Gobolka iyo doorka ay Somaliland ku leedahay nabadda, amniga, iyo xasiloonida Geeska Afrika iyo marinka Badda Cas.
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si cad hoosta uga xariiqay in Somaliland ay tahay jamhuuriyad madax-bannaan oo 34-kii sano ee ugu dambeeyey iskeed isku maamulaysay, oo aan ka mid ahayn sooyaalkii lagu dhisayna qayb ka ahayn Maamulka Federaalka ee Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu carabka ku adkeeyay maqaamkeeda taariikheed, sharci iyo siyaasadeed ee Somaliland inay gebi ahaanba ka duwan tahay ta Soomaaliya, isaga oo caddeeyay sida ay Somaliland uga go’an tahay ka-qaybgal nabadeed ee arrimaha gobalka iyo xal u helida mushkiladaha Geeska Africa
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝