Xukumada Somaliland oo faahfaahisay Kulan Ay Wada yeesheen Madaxweynaha JSL Iyo Ra,isal Wasaaraha Dalka Qatar
June 30, 2025 - Written by admin
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa kulan heer sare ah la qaatay Raโiisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, H.E. Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Bin Jasim Al-Thani.
Kulankan ayaa lagaga wada hadlay horumarinta iskaashiga iyo xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Qatar.
Labada dhinac waxay ka wada hadleen fursadaha iskaashi ee dhinacyada ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta, waxbarashada, iyo maalgashiga, iyada oo ujeedadu tahay horumarinta kobaca dhaqaalaha iyo xasilloonida gobolka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Raโiisul Wasaaraha Qatar waxa kale oo ay ka wada hadleen Nabadda iyo Xasiloonida Gobolka iyo doorka ay Somaliland ku leedahay nabadda, amniga, iyo xasiloonida Geeska Afrika iyo marinka Badda Cas.
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si cad hoosta uga xariiqay in Somaliland ay tahay jamhuuriyad madax-bannaan oo 34-kii sano ee ugu dambeeyey iskeed isku maamulaysay, oo aan ka mid ahayn sooyaalkii lagu dhisayna qayb ka ahayn Maamulka Federaalka ee Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu carabka ku adkeeyay maqaamkeeda taariikheed, sharci iyo siyaasadeed ee Somaliland inay gebi ahaanba ka duwan tahay ta Soomaaliya, isaga oo caddeeyay sida ay Somaliland uga goโan tahay ka-qaybgal nabadeed ee arrimaha gobalka iyo xal u helida mushkiladaha Geeska Africa
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐