Ciidamada Midawga Afrika ee Muqdisho oo Xaqjiiyay Dadkii Ku Dhintay Diyaaradii Ku Qaraxday Garoonka Diyaaradaha Xamar
July 2, 2025 - Written by admin
Qoraal kasoo baxay Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa lagu xaqiijiyay in 3 qof oo kaliya ay ka badbaadeen Diyaaradii Helikobtarka ahayd ee saaka ku buburtay Garoonka Muqdisho, dhinaca Afisyoone, waxaana weli socda raadinta dadkii harsanaa oo u muuqda inay geeriyoodeen. Diyaaradda waxaa lahaa ciidamada Uganda, waxayna ku howlgaleysay magaca AUSSOM.
