berberatoday.com
Saamaynta Qiimo-jabka Lagu Sameeyo Korontada Berbera: Falanqayn Farsamo oo Injineernimo W/Q: Eng. Cabdishakuur Yuusuf Cashuur Electrical Engineer
July 2, 2025 - Written by admin
Saamaynta Qiimo-jabka Lagu Sameeyo Korontada Berbera: Falanqayn Farsamo oo Injineernimo
Xaaladda Hadda Jirta:
1. Mashiinnada Koronto-Dhalinta (Power Generation Units):
Qaar badan oo ka mid ah matoorrada korontada (diesel generators) ee shirkadda Berbera Power waa kuwa duqoobay, isla markaana muddo dheer si joogto ah loo adeegsaday. Waxaa ka muuqda hoos u dhac waxtar (reduced efficiency) iyo xadidnaan load capacity. Markii culayska korontadu bato – gaar ahaan xilliyada kulaylaha ama fiidkii – danabka (voltage) ayaa hoos u dhaca ama korontadu gebi ahaanba way go’daa.
2. Xadhkaha Korontada (Distribution Wiring System):
Khadadka korontada (cables/conductors) ee lagu qaybiyo tamarta xaafadaha Berbera waa kuwo duqoobay oo aan la beddelin muddo dheer. Inta badan waa copper/aluminium conductors aan lahayn dabool (insulation) tayo leh, kuwaas oo aan qaadi karin culays koronto (electrical load) oo sareeya. Tani waxay keentaa kulayl badan (overheating), resistance sare, iyo khataro ay ka mid yihiin (short circuit) ama dab ka dhasha xadgudubka danabka (overcurrent fire hazards).
Tusaale Farsamo: Saamaynta Qiimo-jab Koronto
Xisaab Fudud:
Haddii qoys hore u isticmaali jiray 100 kWh (kilowatt-hours) bishii, una bixin jiray $0.49/unit, oo hadda loo dhigo $0.20/unit:
Qiimihii hore: 100 kWh × $0.49 = $49
Qiimaha cusub: 100 kWh × $0.20 = $20
Maxaa Dhici Kara?
Isticmaalka korontada (Power consumption) wuxuu si dabiici ah u kordhaya, maadaama dadku u arkaan biil jaban.
Magaaladoo dhan waxaa ku imaanaya culays badan (high aggregate demand), taasoo matoorrada daalay aanay awoodin inay si xasiloon u daboolaan.
Sababtaas darteed, waxaa dhici karta voltage fluctuation ama blackouts (koronto la’aan)
Xadhkaha duqoobay waxay geli doonaan xaalad khatar ah: overheating, voltage drop, insulation damage, taasoo keeni karta short circuits iyo electrical fires.
Qalabka guryaha sida refrigerators, TVs, ACs, routers, iyo electronic chargers waxay u nugul yihiin burbur ama gubasho sababtoo ah unstable voltage iyo power surges.
Dhammaan arrimahaas waxay keenayaan in adeeyada korontadu uu noqdo mid aan la isku halleyn karin, xitaa haddii qiimuhu yaraado.
Gunaanad iyo Talo Injineernimo:
Jabinta qiimaha korontada Berbera waa arrin muwaadiniinta dani ugu jirto – laakiin waa inay ka dambaysaa qorshe farsamo oo xooggan. Si qiimaha korontada loo dhimo iyadoo tayada iyo xasiloonidu aanay hoos u dhicin, waa in la sameeyo:
✅ Technical assessment dhamaystiran oo lagu qiimeeyo load capacity, power demand, iyo infrastructure health.
✅ Dib u habayn lagu sameeyo matoorrada koronto-dhalinta si loo kordhiyo efficiency iyo capacity.
✅ Xadhkaha duqoobay waa in la beddelaa, lana adeegsado insulated copper cables oo leh awood sare (high ampacity).
✅ In la dhiso voltage regulation system (AVRs, transformers, and stabilizers) si danabku u noqdo mid joogto ah.
✅ In la hirgeliyo load management system oo go’aamiya sidii isticmaalka korontada loogu kala qaybin lahaa si siman (load balancing).
Haddii arrimahan la iska indha tiro, qiimo-jabku wuxuu u rogi karaa nidaamka korontada Berbera mid burbura, una keena bulshada dhibaato ka daran tii hore.
W/Q: Eng. Cabdishakuur Yuusuf Cashuur
Electrical Engineer – Golis University
May be an image of text

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews