Maareyaha Cusub ee Haayada Dekedaha Somaliland oo Kormeeray Habeeni Shaqada Kasocota Dekeda Berbera
July 6, 2025 - Written by admin
Maareeyaha Guud ee Hayada Maamulka Dekedaha JSL Cali Diiriye Maalintacab , Ayaa habeenkii xalay kormeer ku sameeyay habsami u socodka shaqada dekeda Berbera , Wax kaloo kulan dekeda berbera kula qaatay qaar ka mid ah qaar Ka Mid ah Ganacsatada Xoolaha Dhoofiya iyo Isuduwaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa in la xoojiyo wada-shaqeynta ka dhaxaysa Haya’adda Dekedaha, ganacsatada xoolaha, iyo Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, si sare loogu qaado tayada iyo hufnaanta nidaamka dhoofinta xoolaha ee dekedda Berbera.