๐๐๐ซ๐๐ซ๐ค๐ ๐ญ๐จ๐๐จ๐๐๐๐๐ค๐ ๐๐ ๐ฑ๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฒ ๐๐๐๐
July 12, 2025 - Written by admin
๐๐๐ซ๐๐ซ๐ค๐ ๐ญ๐จ๐๐จ๐๐๐๐๐ค๐ ๐๐ ๐ฑ๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฒ ๐๐๐๐
1.Fadhigii 26-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland. ๐๐จ๐๐จ๐๐๐๐๐ ๐ฅ๐๐ ๐๐ ๐ ๐ฐ๐๐๐ ๐ก๐๐๐ฅ๐๐ฒna wax aka mid ahaa Warbixinta Amniga iyo Xasiloonida Dalka, Warbixin la xidhiidha Arrimaha Maaliyadda iyo koboca Dhaqaalaha.
2.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa kulan xog-warran iyo dar-dargelin shaqo ah la yeeshay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxa bannaan ee Qaranka JSL.
3.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti heer sare ah oo ay hoggaaminaysay Wakiilka Midowga Yurub (EU) u qaabilsan arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas, Marwo Ambassador Annette Weber.
4.Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Ambassador Maxamed Cali Aw-Cabdi, ayaa si rasmi ah xadhigga uga jaray dayac tir lagu sameeyay xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland.
5.Xukuumadda Somaliland ayaa lacag dhan 155 kun oo Doolar u qaybisay dad danyar ah oo degan xaafada Dab la taagay ee magaaladda Hargeysa oo hore ay duufaani ugu dhuftay guryahooda.
6.Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Mudane: Cismaan Ibraahim Nuur (Afgaab), Oo ay Weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Somaliland ayaa kormeeray dhismaha Jidka Hargaysa-Baligubadle oo qaybtii ugu horaysay daamurkii la saaray.
7.Xubno ka tirsan Golaha wasiirrada Somaliland iyo mas’uuliyiin kale ayaa Madaarka diyaaradaha ee caasimadda Hargeysa ku soo dhaweeyay Muwaadin Cabdilaahi Sheekh Cabdiraxmaan Ibraahim oo 11 sanno ku xidhnaa dalka jabuuti.
8.Wasaaradaha Waxbarashada iyo Sayniska, iyo Wasaaradda Hawlaha Guud dhulka iyo Guriyeynta, ayaa kala saxeexday Heshiis ku salaysan hirgelinta dhismayaasha waxbarashadda ee uu maalgelinayo Mashruuca Bangiga Adduunka (World Bank).
9.Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) ayaa Agab loogu talagalay la tacaalidda dabka ku wareejiyay Wasaaradda Deegaanka ee Gobolka Sanaag. Agabkaas oo loogu talagalay in wax lagaga qabto dababka soo noqnoqada.
10.Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyasha Iyo Arrimaha Dastuurka JSL Mudane Axmed Aw-daahir Xaaji Xasan oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Khadar Nuur Cabdi (Buubaal) Iyo mas’uuliyiin kale ayaa kulan is-faham iyo wada-shaqayn ah la yeeshay Xafiiska dawlada Ingriisku ku leedahay magaalada Hargaysa
11.Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Jawhar Siciid Warsame, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Eng. Maxamuud Xuseen Aadan, ayaa kulan is-xogwaraysi ah la qaatay qaar ka mid ah ganacsatada dalka.
12.Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL Mudane Ismaaciil Mawliid Cabdilaahi ayaa furay Tabobar loo qabtay xafiiska Xisaabaadka, Hanti-dhawrka, Maaliyadda iyo Mashaariicda uu taageero Baanka Horumarinta ee Africa (African Development Bank).
13.Wasiirka Wasaaradda H. Maalgashiga iyo Warshadaha, Mudane Siciid Maxamed, Ayaa kulan la yeeshay wafti maalgashato oo ka socday shirkada Vallis Advisory Limited oo ka shaqaysa adeega silsilada wax dhoofinta taasoo ka hawl gasha in ka badan 50 dal oo iskugu jira Europe, Asia iyo Africa.
14.Agaasimaha fullinta komishanka Xakamaynta Qaranka ee HIV AIDs jsl, oo ay wehelinayaan xubnaha Komishamka Xakamaynta Qaranka ee HIV AIDs ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti heer sare ah oo ka socda Hayโadda UNICEF.
15.Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta JSL ahna af hayeenka xukuumadda Axmed Yasin Sheekh Cali Ayaanle ayaa shir jaraaโid oo uu ku qabtay xafiiskiisa waxa uu ka hadlay fara gelinta dawlada taagta daran ee Soomaliya ay ka wado bariga gobalka Sanaag ee Somaliland.
16.Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ๐ช๐ฎ๐๐ถ๐ถ๐ฟ-๐ธ๐-๐
๐ถ๐ด๐ฒ๐ฒ๐ป๐ธ๐ฎ ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ซ๐ฎ๐ป๐ฎ๐ฎ๐ป๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ซ๐ผ๐ผ๐น๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐๐ผ๐ฟ๐๐บ๐ฎ๐ฟ๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐ฅ๐ฒ๐ฒ๐ฟ ๐ ๐ถ๐๐ถ๐ด๐ฎ, ๐ ๐๐ฑ๐ฎ๐ป๐ฒ ๐๐ฎ๐น๐ถ ๐๐
๐บ๐ฒ๐ฑ ๐๐ฎ๐ฏ๐ฑ๐ถ, oo uu weheliyo ๐๐ด๐ฎ๐ฎ๐๐ถ๐บ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐๐๐ฑ ๐ฒ๐ฒ ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ, ๐ ๐๐ฑ๐ฎ๐ป๐ฒ ๐๐ต๐บ๐ฒ๐ฑ ๐ข๐๐บ๐ฎ๐ป ๐๐ฎ๐บ๐ฎ (๐ง๐ฎ๐น๐ผ-๐๐ฎ๐บ๐ฒ), iyo qaar ka mid ah Agaasime Waaxyada, ayaa safar shaqo oo wacyigelin iyo xog-warran isugu jira ku tagay deegaanno hoos yimaada Banka Qoolcaday ee Degmada Salaxlay.
Warbixinta waxa soo ururiyay xafiiska daba galka wararka ee wakaaladda wararka ee SOLNA