berberatoday.com
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja oo Ka Walaacsan Xadhiga Suxufiyiinta ee Mudada Xukumadani Jirtay Xadhkaha Goostay
July 26, 2025 - Written by admin
Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu ka walaacsanyahay xadhigga suxufiyiinta ee sii xoogaysanaya tan iyo bilawgii sanadkan. Ururku waxa uu si adag u canbaaraynayaa xadhiga suxufiyiinta ka kala tirsan telefishannada Sahan TV iyo Horn Cable TV, kuwaas oo la xidhay 25 July 2025.
Weriye Siciid Cabdiraxmaan Xuseen oo ka tirsan Sahan TV, kana hawlgala magaalada Ceerigaabo ayaa la xidhay 25-kii July 2025. Ilaa hadda lama helin wax eedayn rasmi ah oo lagu soo oogay, mana jirto maxkamad la horgeeyey.
Sidoo kale, Yasir Abdiladiif iyo Mohamoud Ali oo ka tirsan bahda Horn Cable TV ayaa lagu xidhay magaalada Hargeysa 25-kii July 2025, kadib markii ay warbixin kasoo duubeen deegaanka banka Qoolcaday. Weriyeyaashan ayaa xabsiga lagu hayey muddo 14 saacadood ah iyagoo aan loo haynin waaran maxkamadeed. Intaa kadib, waxa ay heleen xorriyadoodii balse waxaa laga tirtiray dhammaan xogtii ay soo duubeen. Ururka SOLJA waxa uu si buuxda u cambaaraynayaa masaxidda xogtaas oo xadgud ku ah xorriyadda warbaahinta iyo ilaalinta xogta saxafiyiinta.
BAAQA SOLJA
Ururka SOLJA wuxa uu ku baaqayaa
1. In si degdeg ah loo sii daayo weriye Siciid Cabdiraxmaan Xuseen, haddii aan loo haynin wax danbi ah.
2. In la joojiyo xadgigga aan loo marin hab-raaca sharciga ah, laguna dhaqmo xeerarka dalka.
3. In hay’adaha ammaanku ay joojiyaan faragelinta iyo cabsi gelinta suxufiyiinta gudanaya waajibaadkooda.
4. In la ilaaliyo xorriyadda hadalka, warbaahinta, iyo ilaalinta xogta saxafiyiintu ay soo ururiyaan.
Ururka SOLJA wuxuu sii wadi doonaa la socodka xaaladda suxufiyiinta, wuxuuna diyaar u yahay in uu difaaco xuquuqdooda sharciyeed, isagoo la kaashanaya qareenno iyo hay’ado xuquuqda aadanaha u dooda.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews