๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐
๐๐๐๐๐
Fadhigii 31-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Qodobbada maanta lagaga wada hadlay Fadhigii 31-aad waxa ka mid ahaa:
๐. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ซ๐๐ก๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐:
Waxa ka war bixiyey Madaxweyne ku-xigeenka JSL, ahna Guddoomiyaha Guddida Gurmadka Abaaraha Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, isaga oo sheegay in hawlaha gurmadka Abaaraha ee ay Xukuumaddu horseedka ka tahay ay si wacan u socdaan.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu sheegay in Roobab ay ka da’een meelo ka mid ah Gobollada Galbeedka dalka taasoo xaaladdii biyo laโaanta ee degaannadaasi woxogaa wax ka tartay, laakiin xaaladda cunto yaraantu ay weli sideedii tahay.
Dhinaca kale, Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu sheegay in Gobollada Bariga dalka ay jirto xaalad biyo yaraan taasi oo ku sii fidaysaa, min Sanaag Bari, Saaxil, Saraar ilaa hawdka Togdheer. Guddi ahaan, waxa aanu ka hawl galnay in biyo lala gaadho degaannada Bariga dalka. Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu Golaha u sheegay in ay Guddi ahaan ku dedaalayaan in ay ururiyaan isla markaana ay isku dubbaridaan wax kasta oo taakulo ah (lacag, agab, biyo, iwm) oo lagu gargaarayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.
๐. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdalle Maxamed Carab. Wasiirku waxa uu sheegay in Amniga dalku uu sugan yahay dhan kasta oo la eegaba, isaga oo sheegay in amniga iyo xasilloonida Siyaasadeed ee lixda Gobol ee dalku uu sugan yahay, marka laga reebo fal dambiyeedyada maalinlaha ah ee ka dhex dhaca Bulshada iyo shilalka gaadiidka oo sababa dhimashada ugu badan dalkeena.
๐. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐, ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐:
Waxa ka war bixiyey Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Ismaaciil Mawliid Cabdilaahi. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay dedaal badan oo ay samaysay Wasaaraddu gashay kadib, in guud ahaan hawlaha Dakhli ururinta Qaranka ee odoroska bisha August 2025-ka ay u socdaan sidii loogu talo galay.
Dhinaca kale, Wasiirku isaga oo ka hadlaya Diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka ee 2026-ka waxa uu Golaha la wadaagay in Wasaaraddu, iyada oo raacaysa Jadwalka Diyaarinta Miisaaniyadda 2026-ka, ay diyaarisay isla markaana dhammaystirtay dhammaan warbixinaha dhaqaale, siyaasadda iyo arrimaha mudnaanta leh ee saldhigga u ah Diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka. Wasiirku waxa uu sheegay in wareegtooyinkii Diyaarinta Miisaaniyaddu ay gaadheen Hayโadaha Dawladda Dhexe, Hay’adaha macaashka sameeya iyo Dawladaha Hoose.
Wasiirku mar uu ka hadlayay arrimaha kobcinta iyo kordhinta Dhaqaalaha Dalka in ay si habsami leh u socdaan daraasadaha iyo qorshayaasha lagu xoojinayo Dhaqaalaha Dalka taasoo ay horseed ka yihiin Guddida sare ee Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada.
๐. ๐๐ข๐๐๐๐ฆ๐ค๐ ๐๐ข๐ฐ๐๐๐ง๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฒโ๐๐๐๐ก๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐ข๐ ๐ ๐๐ก ๐ข๐ฒ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฐ๐ ๐๐๐ง ๐๐๐ฐ๐ฅ๐ข๐ ๐ ๐๐ก๐๐ฒ๐ง:
Waxa ka war bixisay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka JSL, Marwo Kaltuun Sh. Xasan Cabdi.
Wasiirku waxa ay si qoto dheer uga warbixisay Habraacyada Diwaangelinta Hayโadaha Dawliga ah iyo kuwa aan Dawliga ahayn ee ka hawlgala Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiirku waxa ay sharraxday Xeerarka Sharci, Shuruudaha Habraacyada iyo Tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah Diwaangelinta Hayโadahaas. Wasiirku waxa ay hoosta ka xarriiqday in Hayโadda la diwaangelinayo looga baahan in ay Wasaaradda u soo gudbiyaan Dokumentiyadan:
1. Project Document/Proposal,
2. Donor Agreemen,
3. Budget Breakdown,
4. Project Log Form.
Wasiirku waxa kale oo ay xustay muhiimadda ay Qaranka JSL u leedahay in la hayo Diwaan Casri ah oo sax ah oo la xidhiidha dhammaan Hayโadaha la diiwaangeliyey, taasi oo Dawladda u sahlaysa in ay kormeerto hawlaha ay Hayโadahani ka qabtaan Somaliland, si looga hortago wax is-daba-marinta iyo isku mid ahaansha shaqooyinka ay Hy’adahani ka qabtaan dalka.
๐. ๐๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐ฌ-๐ ๐๐ซ๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ง๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐ก (๐๐ฎ๐๐ฅ๐ข๐ ๐๐ซ๐ข๐ฏ๐๐ญ๐ ๐๐๐ซ๐ญ๐ง๐๐ซ๐ฌ๐ก๐ข๐ฉ-๐๐๐):
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha, Mudane Saciid Maxamed Buraale iyo Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda, Mudane Cali Baashe Maxamed.
Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Xeerkan hor yaallaa uu noqon doono AALAD MUHIIM AH oo Qaranka JSL u furaysa fursado cusub oo lagu gaadho Horumar Dhaqaale. Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in Xeerkani uu innoo oggolaanayo in Xukuumaddu iskaashi istiraatiji ah la samayso Ganacsiga Gaarka loo leeyahay, taasina ay innoo horseedi doonto maalgelin dheeraad ah, khibrad farsamo iyo teknoolajiyad casribah.
Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Xeerkani uu awood u siinayo in Xukuumadda iyo Shirkadaha gaarka ahi ay si wadajir ah u fuliyaan Mashaariic waaweyn oo Qaranka JSL muhiim u ah, iyada oo la wadaagayo faaโiidada iyo khasaaraha.
๐. ๐๐๐ฑ-๐ค๐-๐๐๐๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐๐ข๐ฌ๐ญ๐ ๐๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ฅ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐ฒ๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐๐๐ซ ๐๐: ๐๐/๐๐๐๐:
Waxa ka war bixiyey Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda JSL, Mudane Sharmaarke Cabdi Muuse iyo Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda, Mudane Cali Baashe Maxamed.
Wasiir-ku-xigeenka ayaa Golaha uga xog warramay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Xeerka Kalluumaysigu.
Wasiirku waxa uu xusay ujeedooyinka ugu waaweyn ee saldhigga u ahaa wax-ka baddelka iyo kaabista lagu sameeyey Xeerkan, kuwaasi oo ah:
1. Sidii uu Xeerku ula jaan-qaadi lahaa isbeddelka Maamul ee ku yimid Wasaaradda.
2. Maadama uu Kalluumaysigu yahay qayb-weyn oo dhaqaalaha ka mid ah, sidii uu Xeerku u noqon lahaa mid door-weyn ka qaata ka faaโidaysiga Khayraadka Kalluunka iyo Kobaca dhaqaalaha dalka.
3. Sidii Xeerka loo waafajin lahaa nidaamka iyo shuruucda Caalamiga ah ee khuseeya dhaqaalaha Buluuga (Blue-economy).
4. Sidii uu Xeerku u noqon lahaa mid abuura nidaam maamul si loo horumariyo Maal-gashiga, Maamulka iyo ilaalinta Khayraadka Kalluunka ee dalkeena.
Gababadii Fadhigii 31-aad ee Shirka Golaha Wasiirada, M/weynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu bogaadiyey 10 Wasaaradood oo maanta soo gudbiyey wax-qabadkoodii 6-dii bilood ee ina dhaafay, kuwaasi oo kala ah:
Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka; Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka; Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada; Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga; Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka; Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda; Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda; Horumarinta Caafimaadka; Diinta iyo Awqaafta iyo Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐