Xukumada Somaliland oo Mahad Celin Balaadhan Udirtay Senator Ted Cruz oo Citiraafka Somaliland Awgii waraaq Codsiya Udiray Madaxweyne Trump
August 15, 2025 - Written by admin
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si mug leh ugu mahadcelisay Senator Ted Cruz oo shalay warqad uu u qoray Madaxweyne Donald Trump ugu baaqay inuu aqoonsado Madaxbannaanida JSL.
Qoraal maanta ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee SOLNA, ayaa lagu amnaanay taageerada joogtada ah ee Ted Cruz uu siiyo Somaliland.
Qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda oo dhammaystirani wuxuu u dhignaa sidan:-
“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay si mug leh ugu mahadnaqaysaa Senator Ted Cruz, taageeradiisa joogtada ah iyo u doodistiisa mabda’a ku dhisan ee ku saabsan aqoonsiga Somaliland.
Waxa naga go’an Somalilqnd ahaan xoojinta iskaashiga waara ee naga dhexeeya Maraykanka si aan u wada xaqiijino yoolalka aanu wadaagno.
“In ka badan soddon sanno, Somaliland waxay ilaalinaysay nabadda, xasilloonida iyo hannaanka dimuqraaddiyadeed. Codadka mabda’a ku saleysan ee noocan ahi waxay sii kor u sii qaadayaan qiyamka aynu wadaagno,” ayaa lagu yidhi qoraalka wasaaradda khaarajiga Somaliland ugu mahad-celinaysay Senator Ted Cruz.