Dawlada Xamar oo Dawlada Serbia Ku Taageertay Inaan La Aqoonsan Dawlada Muslimka Ah ee Kosovo
September 4, 2025 - Written by admin
Dawladda Soomaaliya ayaa si toos ah ula safatay dalka Serbia iyada oo gebi ahaanba ka soo hor jeesatay in la aqoonsado dalka Kosovo kaas oo ah waddan ka go’ay Serbia helayna aqoonsi badan oo caalami ah.
Soomaaliya oo heshiisyo difaac la gashay Serbia ayaa ganafka ku dhufatey aqoonsi la siiyo Kosovo oo dhowaan ay aqoonsadeen dalalka Kenya iyo Sudan.
Waxa xusid mudan in dalka Serbia ee Soomaaliya la safatay 86% shacabkiisu waa Kiristaan haysta mad’habka Orthodox halka dalka ay Soomaaliya ka hiilaysay ee Kosovo ay dadkiisu 95% yihiin Muslimiin Sunni ah.
Tan ayaa ka dhigan in Soomaaliya daneheeda gaarka ah ka dhex aragtay Serbia oo ay hadda la gashay heshiisyo difaac iyo kuwo kale oo labada dhinac wada galeen intii uu dalkaas ku sugnaa raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.