Ganacsade Maxamed Jabuutaawi oo Xabsiga Laascaanood Loo Taxaabay Iyo Eeda Loo Haysto
September 4, 2025 - Written by admin
Ganacsade Maxamed Jabuutaawi ayaa xabsiga loo taxaabay maanta kaddib waaran soo qabasho ah oo ay usoo jartay Maxkamadda Gobolka Sool Waxaana keenay ganacsadaha oo geeyay Xabsiga Garaadka guud ee beelaha Jaamac Siyaad Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.
Ganacsade maxamed Jabuutaawi ayaa ku eedaysan inuu ka dambeeyay rabshado dad ku dhinteen qaarkalena ku dhaawacmeen oo maalmihii doorashada Laascanood ka dhacday Laguna eedeeyay inuu isagu ka dambeeyay soona Abaabulay.