berberatoday.com
𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐦𝐢𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐦𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱𝐠𝐚𝐫𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐛𝐢𝐥𝐞𝐲
September 7, 2025 - Written by admin
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ku gudo jira maalintiisii 1-aad ee Safarka shaqo ee Gobalka Gabiley, ayaa kulan muhiim ah oo is xog waraysi ah la qaatay Madax Dhaqameedka iyo Haldoorka Gobolka Gabiley.
Madaxweynaha waxa kulankiisa ku wehelinayey Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Xirsi Cali X. Xasan, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, hawl-wadeeno ka tirsan Xukuumadda, Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, maamulka heer Gobol iyo ka heer Degmo ee Gabiley.
Madax Dhaqameedka Gobolka Gabiley ayaa Madaxweynaha si weyn ugu bogaadiyey sida lexejeclada iyo waayeelnimada leh ee uu u wado hawlaha Qaranka oo ay nabadgelyada iyo wada-jirka bulshadu ugu horreeyaan.
Sida oo kale, odayaasha reer Gabiley waxa ay Madaxweynaha si weyn ugu bogaadiyeen sida uu u fuliyey ballanqaadyadii xilligii ololaha meelo badan oo ka mid ah dalka. Odayaasha Gobolka Gabiley ayaa Madaxweynaha u xaqiijiyey in reer Gabiley aanay kala lahayn Muxaafid iyo Mucaarid, Xukuumaddiisana ay la shaqaynayaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka dareen celiyey hadalladii haldoorka dhaqanka ee Gobolka Gabiley, ayaa si weyn ugu mahad naqay Hoggaamiye Dhaqameedka Gobolka Gabiley, sidoo kalena soo dhaweeyey aragtiyaha iyo talooyinkii ay soo jeediyeen, waxana uu hoosta ka xarriiqay in ay Xukuumaddiisa ka go’an tahay kordhinta iyo tayaynta adeegyada saamaynta ku leh nolosha bulshada. Madaxweynuhu waxa uu odayaasha u sheegay in aanu dhagax-dhigi doonin Mashruuc aanu fulinayn, wax kasta oo la dhagax dhigana la dhammaystiri doono.
Kulanka Madaxweynaha iyo Madax-dhaqameedka reer Gabiley ayaa ku soo gabagabobay guul iyo is-afgarad.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews