Ururka Muruqmaalka Dekada Berbera ee loo yaqaan Geelayaasha iyo Madaxda Shirkada Calamiga ah ee Dp World ayaa malmihii udanbeeyay khilaaf soo kala dhexgaley, xogo laga helay Dekeda berbera ayaa sheegaya in Xafiisyadii ay ku lahayeen Dekada dhexdeeda Ururada Geelayaasha xamaaliinta Dekeda Berbera ay shirkada Dp World tiri ka guura, Arinkan ayaana meel xasasiya mareya oo labada dhinacba isku mari laayihiin, xogahan xasaasiga ah ayaa sheegaya in khilaafkan uu soo kala dhex galey si uu udhexdhexadiyo Maareyaha Hay,ada Dekadaha Somaliland Garyaqan Cali Diiriye maalintacab waxaana lagu heshiisiiyay in loo dhiso xafiisyadii Ay deganan jireen Tubataariyadu ee Dekada gudaheeda,mudo shan casho ah gudahood,
Wararka kale ee laga hellayo illo wargaleen ah ayaa tibaaxaya in balankasi ay jabiyeen madaxda shirkada Dp World mar labadna u sheegeen in aan waxba loo haynin taas oo ay ucadeeyeen in aan gudaha dekada looga ogalayn xafiisyo ay ku shaqaystaan ururada geelayaasha Xamaaliinta Dekeda berbera ee qarniayada kasoo Shaqaynaayay Dekeda Berbera.
Arinkan ayaa waxa diiday Masuuliyiinta geelaha oo u arkay inaanay shaqadoodu ku soconayn maadamada oo shaqada iyo shilinka isku meel lagu wada qabanayo , Waxaanay udacwo tageen Madaxa xidhiidhka bulshada iyo shirkada Dp World ahna sarkaalka Somallilander ka ah ee ugu sareeyay shaqalaha ushaqeeyay shirkadan calmaiga ah e Dp World Jaamac Maxamed Axmed waxanay ushegen sida xogtu sheegayso inuu wax ka qabto balanka laga baxey laakiin waxa la sheegay inuu ugu Jawaabey in Shir laga galey Arinkooda lana go,amiyay inay debada uga baxan Xayndabka gudaha Dekada Berbera Xafiiska ay hada kujiraan ay iyagu dhisteen geelayaashu iyo kii loo balanqaadayna waxba looga ogayn,
Sida la ogyahay xamaliinta dekada Berbera ee loo yaqaan Geelayaasha tiradooda waxaa lagu sheegay 1140 Qof Halka kooxda kale ee iyaga lasii shaqaysa loona yaqaan faracada ay gaadhayan 250 oo dhalinyaro ah dhamantoodna waa isku shaqo calamalkooduna waa xamaal Dekada oo qaarkood ku joogaan dhaxal 150 sano gaaadhaya, Mid Kamida Geelayasha ayaa isna usheegay warbaahinta in Arinakani khatar ku yahay shaqada habsami usocodka Dekada Berbera maadama Garab raratada Deeganka ah ee aan camal kale haynin maamulkoodii iyo xafiisyadoodiiba aan la tixgalinayanin,
Mushkilada Isfaham la,anta ah ayaa in badan soo noqnoqotay illaa Xukuumadii AHUN Axmed Siilanyo marba heer ay istaagtaba Heshiiska ayaa waxa ka baxday shirkada Dp World dhinaceeda sida ay sheegayaan xogaha rasmiga ah ee Warbaahintu heshay,
Ninka Madaxda ka ah qeybta Security-ga ee shirakada DP World oo lagu magacaabo Bushra oo ah Nin Hindiya ayaa saaka ugu hanjabay geelayaasha intuu Xafiiskooda tagay inuu ka qufilayo dibna Aanay ugu shaqayn doonin arinkaas waxa gaashaanka udaruuray Madaxda ururada geelayaasha Kana horyimi Maadama oo ay iyagu leeyihiin Xafiisyada Dekeda ug dhex dhisan lacagtoodana ay Ku Dhisteen.
Sida dad badan oo xogogaali sheegayaan arintan ayay shirkada DP World uga dan leedahay sidii ay Gabi ahaanba meesha uga saari lahayd ururada Muruqmaalka geelayaasha Dekeda Berbera oo ah Dhaabada kaliya ee shaqada Dekeda ugu Muhiimsan taariikh facweyn oo lama taabtaanana leh.
Tirada Geelayaasha Xamaaliinta Dekeda Berbera oo marka laysku daro Macaa Shaqaalaha la shaqeeya ee Faracada noqonaya 1400 oo garab rarato ah ayaa hadaan xaaladooda cakiran Xukumada Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro xal ka gaadhin sababi karta inay shaqada Dekedu joogsato maadama oo mishiinka shaqada rarka iyo rogida dhaqaajiyaa Xamaalka yahay,