berberatoday.com
Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro oo Hortiisa Lagu Dhaariyay Masuuliyiin uu Xilal Umagacaabay
September 14, 2025 - Written by admin
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta hortiisa lagu dhaariyey Masuuliyiinta Hay’adaha Madaxa Bannaan ee Qaranka JSL, kuwaasi oo dhawaan loo magacaabay Xilalka Qaranka.
Munaasibadda Dhaarta Dastuuriga ah ee Masuuliyiinta loo magacaabay Xilalka Qaranka, waxa M/weynaha ku wehelinayey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL ahna Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah, Mudane Aadan Xaaji Cali Axmed. Sida ku cad Qodobka 129-aad ee Dastuurka JSL, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu Masuuliyiintan ku dhaariyey Madaxweynaha hortiisa,
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Munaasibadda kadib waxa uu Masuuliyiinta u jeediyey hadal isugu jira dardaaran iyo duco, isaga oo Masuuliyiinta xasuusiyey in dhaartu tahay arrin aad u culus, Masuuliyiintana looga baahan yahay in ay si buuxda u ilaaliyaan Cahdiga ay qaadeen.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dhaarta Xilalka Qaranka JSL ay tahay ballan-qaad culus oo Diini iyo Dastuuriba ah kaasoo Masuuliyiinta Xilalka loo magaacabay si joogto ah ugu baraarujinaya culayska uu leedahay Xilka Qaran ee ay u dhaarteen.
Madaxweynuhu waxa uu Masuuliyiinta kula dardaarmay
in ay Xilalka Qaranka u gutaan sinnaan, caddaalad, eex la’aan iyo hufnaan, si ay uga hadho taariikh wacan oo lagu xasuusto. Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu Masuuliyiinta Allah SWT uga baryey in uu Xilka Qaran ku asturo oo u fududeeyo

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews