Madarka Caalamiga ah ee Egal International Airport waa muraayadda Dalka, dabcan wuxuu u baahan yahay Maalgalin culus oo Afar dhinac ah; W/Q Adnan Isaq
September 18, 2025 - Written by admin
Madarka Caalamiga ah ee Egal International Airport waa muraayadda Dalka, dabcan wuxuu u baahan yahay Maalgalin culus oo Afar dhinac ah;
𝟏. 𝐃𝐡𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 (𝐑𝐮𝐧𝐰𝐚𝐲)
𝟐. 𝐓𝐞𝐫𝐦𝐢𝐧𝐚𝐥 𝐂𝐚𝐬𝐫𝐢 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐰𝐚𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠𝐢𝐢𝐬𝐢𝐢 (𝐓𝐞𝐫𝐦𝐢𝐧𝐚𝐥)
𝟑. 𝐁𝐚𝐝𝐪𝐚𝐛𝐤𝐚 (𝐬𝐚𝐟𝐞𝐭𝐲) 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐚𝐡𝐚𝐚 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐠𝐝𝐚𝐠𝐚 (𝐄𝐦𝐞𝐫𝐠𝐞𝐧𝐜𝐲 𝐫𝐞𝐬𝐜𝐮𝐞 𝐬𝐞𝐫𝐯𝐢𝐜𝐞𝐬)
𝟒. 𝐓𝐨𝐰𝐞𝐫 𝐜𝐚𝐬𝐫𝐢 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐨 𝐡𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 (𝐇𝐚𝐫𝐠𝐞𝐢𝐬𝐚 𝐅𝐥𝐢𝐠𝐡𝐭 𝐈𝐧𝐟𝐨𝐫𝐦𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 𝐂𝐞𝐧𝐭𝐫𝐞).
Shan iyo tobankii sano ee u dambeeyey Dalal iyo shirkado kala duwan ayaa danaynayey ama doonayey in ay maalgashadan Garoonka Cigaal, waxaase intaasiba keenay in ayna suurto galin maalgalintooda nooca heshiiska ay doonayaan in ay la galaan Dawlada oo intood badan doonayey in lagu wareejiyo Madarka Cigaal.
Shirkadahaasi waxaa ka mida 𝑫𝒂𝒉𝒂𝒃𝒔𝒉𝒊𝒊𝒍 oo ah shirkad laga leeyahay Dalka, sidoo kale shirkado kale oo ka socday Dalalka 𝑬𝒕𝒉𝒊𝒐𝒑𝒊𝒂, 𝑲𝒆𝒏𝒚𝒂, 𝑻𝒖𝒓𝒌𝒆𝒚, 𝑼𝑨𝑬, 𝒊𝒚𝒐 𝑺𝒐𝒖𝒕𝒉 𝑨𝒇𝒓𝒊𝒄𝒂.
Galabta waxaa heshiis lagu casriyeynayo Madaarka Cigaal uu ka dhacay 𝑫𝒖𝒃𝒊𝒂, waa dhawaaq wanagsan oo xiligiisii taagan, Garoonkeenu wuu u baahan yahay casriyeyn iyo maalgelin. Nooca heshiiskaasi ayaa macnaha samaynaya oo qaabayn doona faaidada Dalkeena ugu jirta.
Marka heshiiskaasi (agreement) aynu aragno ayeynu faaqidi doonaa, laakiin waa muhiim in si cilmiyeysan aynu u galno heshiisyada noocan ah oo taabanaya Qaranimada iyo adeeg bixinta bulshadda.
Dawladda wan ku hambalyeynayaa in ay raadiso maalgalin caalami ah ee adeegyada kala duwan ee Dawladnimada ah.