berberatoday.com
Xisbiyada Wadani Iyo Kulmiye oo Isku Raacay In La Qabto Diwaan Galinta Iyo Xisbiga Kaah oo Cidla Lagaga Tagay
September 19, 2025 - Written by admin
Xisbiyada Waddani iyo Kulmiye, ayaa is af-garad ka gaadhay qaabka ay noqonayso diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland ee la filayo in la qabto dhamaadka sannadkan.
Guddiyo farsamo oo saddexda Xisbi ee Kaah, Kulmiye iyo Waddani u saareen is waafajinta aragti kala duwan oo ay ka istaageen saddex kala doorasho oo Komishanka doorashooyinka u soo bandhigeen Xisbiyada in loo qaban karo diiwaan gelinta, ayaa la sheegay in Kulmiye iyo Waddani isku raaceen qorshaha labaad ee saddexda qorshe ee Komishanku soo jeediyeen.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Labada Xisbi ee is afgaradka gaadhay, iyo mowqifka Xisbi kale ee Kaah, hase yeeshee sida warar Xogogaal ahi xaqiijiyeen Kulmiye iyo Waddani ayaa ku heshiiyey in la sameeyo diiwaan gelin laga qabo Gobollada iyo Degmooyinka goobo cayiman oo ku yaala, iyada la diiwaan gelinayo dadka gaadhay da’ad diiwqan gelinta, iyaga oo qorshaha ay qaateen u arkay mid keenaya in hore loo bilaabo diiwaan gelinta, si doorashadu wakhtigeeda ugu dhacdo.
Qorshahan ay laba Xisbi qaateen ayaa ahaa midka labaad ee saddex qorshe oo Komishanku soo jeediyeen, oo ka labaad ee Xisbi isku raaceen ay dhaqaale gaadhaya ilaa 10 ilaa 12 Milyan ku baxaysay, halka qorshaha saddexaad uu ahaa mid
Diiwaan gelin cusub guud ahaan laga samaynayey Somaliland ay ku baxayso dhaqaale gaadhaya inta u dhaxaysa 15 ilaa 17 Milyan oo dollar, halka tan labada
Xisbiga Kaah ayaa hore isagu u sheegay in ay doonayaan ayaan in la qabto diiwaan gelin cusub oo dadka oo dhan ah, inkasta oo markii hore ay sheegeen in Kulmiye kula socday qorshahaasi.
Labada Xisbi KULMIYE iyo Waddani ayaa la filayaa in ay berri ku dhawaaqaan is af-garadkoodan.
Dhinaca kale, Xubno ka tirsan Xisbiga Kulmiye ayaa ka biyo diidan qorshaha Xisbigoodu la qaatay Waddani.
Xubnaha oo u badan Xildhibaannadii Kulmiye ee dhawaanahan Khilaafka Kulmiye la safnaa Guddoomiyaha Kulmiye iyo Xigeenkiisa, kuwaas oo u arka doorasho wakhtigeeda ku dhacda mid doonistooda ka hor iman karta.
Xisbiga Kaah laftiisa ayaa la rumaysan yahay in cadaadiska Xildhibaannada Xisbigaas ay qayb ka noqon karto inuu qaato mowqifka Kulmiye iyo Waddani, inkasta oo aan cadayn mowqifkoodu.
Xidhiidho kala duwan oo aan la sameeyey dhinacyada way ka gaabsadeen in ay ka hadlaan arrintan.
Saleban Saxansaxo

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews