berberatoday.com
Maxaa Kala Fadilay Maxamed Faarax Xirsi Iyo Rashiid Gaaruf oo Labada Xisbiga Laba Xubnood Uga Baxeen Bedelkaasna Ku Galeen
September 28, 2025 - Written by admin
Dadka is waydiinaya Maxay Rashid Garuf iyo Maxamed Farah ku kala duwan yihiin labadaba Golaha Fulinta waa looga baxaye, waa tan jawaabta dhabta ahi.
Waxa run ah in Aniga Mujahid Maxamed A. Absie oo ku jiray Golaha Fulinta Kulmiye illaa maalintii xisbiga la furay uu iiga baxay xubinimadii Golaha Fulinta. Wuxu ii qoray warqad soo jeedin ah (recommendation Letter). Sidaa si la mida Mujaahid Ahmed Waysacade oo Golaha Fulinta ku jiray ilaa bilawgii xisbiga ayaa Maxamed Farah na uga baxay xubinimadii Golaha Fulinta. Wuxu u qoray Maxamed Farax warqad soo jeedin ah. (Recommendation Letter).
Sharciga xisbigu wuxu dhigayaa awooda magacaabida iyo ka qaadida buuxinta xubnaha Golaha Fulinta waxa iska leh Gudomiyaha Xisbiga iyo ansixinta Golaha Fulinta. Warqada soo jeedinta Absiye iyo Waysacade waa soo jeedin keliya ee maaha magacaabis. Gudomiyaha Xisbiga ayaa iska leh awooda magacaabista oo buuxda marka hore, marka dambena Golaha Fulinta ayaa ansixinaya go’aanka gudomiyaha.
Marka hore anigu 20 sanno Ayaan xisbiga ku jiray. Dawladihii Kulmiye waan la soo shaqeeyay. Maxamed Farah maalin meel isuma soo taagin Kulmiye. Mar labaad Intii aan Gudomiyaha iyo Golaha Fulintu aanay na ansixinin ayuu Maxamed Farax dagaal ku qaaday xisbigii iyo gudomihii labadiiba. Laakiin anigu xisbigii horena waan ula shaqayn jiray imakana waan la shaqeeyaa xisbiga iyo gudomihiisiiba sidaasaan anigu xaq ugu yeeshay in lay magacaabo, sidaasuu isaguna ku noqday nin aan xisbigana hore wax u gashan maantana xisbiga iyo gudomihiisa dagaal kula jira kuna waayay xubinimadii Golaha Fulinta, waa khalad uu Maxamed Farah isku sameeyay.
Maxamed Farah waa inan yare isamabuu waydiin ma Gudomiyaha aad shaqsiyadiisa iyo xisbigiisa aad maalin kasta weerarayso ayaad ka sugaysaa inu kuu magacaabo inaad noqoto xubin ka mida Golaha Fulinta? Sababtuna wax kale maahee waxa aanu garanaynin oo aqoon u lahayn sharciga xisbiga, waa ka dhab sidaa uu warqadii Mujaah Waysacade u qoray ee soo jeedinta ahayd uu maanta social media ha usoo dhigay isaga oo ka dhigaya inay tahay magacaabis.
Sidaasuu Maxamed Farah magacaabistiisii ku waayay. Isaga ayaa halkaa is dhigay cidna yaanu eedaynin. Maanta cidla ayuu fadhiyaa cid wax u tari kartaana ma jirto. Cida keliya ee awooda magacaabista iska leh waa Maxamed Kahin, waa nin kaa uu maalin kasta maagayo.
Dhowr bilood ka hor todoba oday oo ergo ah ayaa Gudida odoyaasha Dan iyo Duco noo soo direen, waxay nagu yidhaahdeen noo kaalaya oo hor fadhiista gudida DD, waayo waanu idin kala reebaynaa hadaad tihiin nimankiina Ciise Muse ee damaca leh oo kala ah Rashid Garuf, Mohamed Farah, Dr. Shiine iyo Mohamed Ilkacase. Waxaanu Aniga, Shiine, iyo Ilkacase ugu jawaabnay idiin iman mayno waayo mansabkan nin baa maanta ku fadhiya, waa Maxamed Kahin, marka kursigu uu banaanaadona helistiisu wuxu nagaga xidhan yahay sida aanu xisbiga dhexdiisa uga ololayno oo cod uga kala helo, wax aad maanta idinku gacanta noogu haysaan ma jirto, sabaab aanu cadaawad u gashano Maxamed Kahin iyo reerkiisa oo aanu berito codkooda ka baryi doonana meesha mataalo; Markaa anagu sidaas baanaan idiinku imanaynin hadaad tihiin gudida dan iyo duco ee naga raali ahaada. Maxamed Farah wuu u tegay oo waxay u cumaamadeen inay ka dhigayaan Gudomiyaha xisbiga Kulmiye. Maalintaas ayuu dagaal iyo aflagaado ku bilaabay Gudomiyaha iyo xisbigaba illaa maantana wuu wadaa dagaalkii.
Hadaba nimaan waxa jooga garan waxa soo socdana ma garto, hadduu Maxamed Farah dantiisa garan waayay oo dhalin yaro nimo iyo khibrad la’aani xisbiga ahi halkaas maanta dhigtay, walina sii wado khaladkiisii illaa maanta, cidna yaanu eersanin. Maanta wuu arkaa inuu khalad sameeyay oo uu xisbigii cidla ka fadhiyo.
Anigu hadaan damacayga ka hadlo maalinta la qabto shirka xisbiga ee Maxamed Kahin loo doorto Musharaxa Madaxwayne ee xisbiga Kulmiye, markaas waxa loo tartamaya position ka Gudomiyaha xisbiga ee banaan. Maalintaa anigu jagadaas ayaan u ahay musharax, waxa jira rag kale oo ila tartami doona, kii Alla qoray baa heli doona, waxa na kala dooranaya ergada shirka ka soo qayb gelaysa. Haddii Alla nafta ino daayo maalintas ayaa la arki doonaa qofka tartamaya iyo ka kale. Waxan ka codsanayaa dhamaan ergooyinka shirka, gudida dhexe, gudida fulinta iyo taageerayaasha Kulmiye rag iyo dumar inay igu taageeraan Musharaxnimada Gudomiyaha xisbiga Kulmiye marka xiligeeda la gaadho.
Allah Mahad leh.
W/Q. Dr. Rashid Garuf

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews