berberatoday.com
Akhri Qisooyin uu Qoray Raysal Wasaare Hore Cali Maxamed Geeddi. W/Q: Cali Cabdi Coomay
September 30, 2025 - Written by admin

qoray Raysal wasaare hore Cali Maxamed Geeddi.
W/Q: Cali Cabdi Coomay

Ka hor intii aanu siyaasadda soo gelin wuxuu ahaa aqoonyahan cilmi baadhe ah oo jaamacadaha macalin ka ahaa. Wuxuu kaalinta aqoonyahannada kaga soo shaqeeyey shirarkii dib-u-heshiisiinta ee madaxda Soomaaliya loo qabtay 1991-2002. Wuxuu toos saameyn ugu yeeshay shirkii dib-u-heshiisinta ee lagu qabtay magaalada Ildooreet ee ka dhacay goobta Imbagaarti 15.10.2002. hasayeeshee sannadkii 2004-tii ayaa Cabdilaahi Yuusuf madaxweyne loo doortay isaga oo ka dhexqaaday siyaasiyiinta Hawiye u badnaa oo kala ahaa, Muuse Suudi Yalxow, Prof. Caddow, Maxamed Qanyar Afrax, Xuseen Caydiid, Maxamed Dheere iyo Cabdi Qaasim.

Sidoo kale 275 xildhibaan ayaa lagu doortay Imbagaati. Khudbadii ugu horraysay ee uu Cabdilaahi Yuusuf Jeediyo markii lagu dhawaaqay in la doortay wuxuu kula kaftaymay siyaasiyiintii goobta joogtay oo ay ku jiraan kuwii uu ka adkaaday hadal u dhignaa “SOOMAALIYA WAY INKAARAN TAHAY, WAXAANA DHIBTA KA SAARI KARA NIN SIDII ANIGA OO KALE INKAARAN.”

Cali Maxamed Geeddi hadalkaasi Cabdilaahi Yuusuf wuxuu u arkaa inay sax ahayd, waayo wuxuu sheegayaa in rag ka darran oo hogaamiye-kooxeedyo ahi ay dalka awood ku lahaayeen, oo qaabka kaliya ee loo waaji karayey ay ahayd qaab inkaaran. Ka dib waxa bilaabay ololihii lagu soo xulanayey ciddii Raysal wasaare noqon lahayd. Cabdilaahi Yuusuf oo Madaxweyne loo doortay ayaa guddi u saaray inay soo kala saaraan musharraxiinta soo gudbistay Aaraajida ee doonaya in laga dhigo Raysal wasaare.

Guddiga ayaa soo afjartay kala saaristii waxaana isku soo hadhay Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Prof. Cabdilaahi Axmed Afrax. Prof. Geeddi wuxuu leeyahay anigu waxa aan xilkaasi Raysal wasaarnimo kaga qaaday Prof. Cabdilaahi in aan ahaa nin dalka joogay oo waayihii jira ee dhib iyo dheefba lahaa aan goobjooge u ahaa. Halka isagu uu ka yimid Kanada oo uu sheeko ku maqli jiray waxa dalka jira.

Markii uu Cabdilaahi Yuusuf ku qancay inuu Raysal wasaare ka dhigo Cali Geeddi, ayaa haddana waxa soo baxay in aanu Baarlamaanka xubin ka ahayn. Axdi-qarameedka lagu dhaqamayey ayaa dhigayey in xubin ka tirsan Baarlamaanka loo magacaabo Raysal wasaare. Faarax Macalin oo ah Soomaali-Kiiniyiin ayaa shiriyey beeshiisa Ogaadeen, waxaanu ku qanciyey in xildhibaankii Ogaadeenku ku lahaayeen Baarlamaanka uu jagada u banneeyo Cali Geeddi si uu Raysal wasaare loogu magacaabo.

Cabdilaahi Yuusuf ayaa arrintaasi diiday oo yidhi rabshada ayey igu keenaysa dhinaca isu dheelitirka beelaha. Aakhrirkii waxa shiray beesha uu Cali Geeddi ka soo jeedo, waxaana booskii xildhibaannimo uga baxay Maxamed Cumar Xabaab ( Maxamed Dheere). Sidaasi ayaa Cali Geeddi loogu magacaabay Raysal wasaare. Kulankii ugu horreyey ee Cali Geeddi iyo Cabdilaahi Yuusuf. Goor galab ah ayey guddi hoose oo ah jufada Cali Geeddi u geeyeen Cabdilaahi Yuusuf, waxaan is-aragoodii koowaad.

Is-barasho iyo salaan ka dib Cabdilaahi Yuusuf ayaa hadalka qaatay oo yidhi” CALI WAAN ARKAA, MARKII AAN TAARIIKH-NOLOLEEDKIISA AKHRIYEY WAAN KU QANCAY. BALSE SU’AAL AYAAN IDIN WEYDIINAYAAYEY, WIILKAN SAACADDU GACANTA MIDIG UGAMA XIDHNA, SURWAALKUNA UMA GAABNA OO KABAHA AYUU U DULSAARAN YAHAY, GADH XUN OO JOQOF AHNA IIGAMA MUUQDEE MA DHAB AYEY KA TAHAY MISE WAX BAAD II QARINAYSAAN ILEYN WAAD OG TIHIIN OO AL-ITTIXAADKA IYO XAGJIRKA ISKUMA FIICNINE.”

Hadalkaasi waxa ka muuqda in Cabdilaahi Yuusuf uu sas ka qabay wadaad oo dhan oo ay maskaxdii ka sii guuxayso dhibtii soo kala qaadhay ururkii Al-Ittixaad ee dagaalladu ku dhexmareen Puntland sannadkii 1992-kii. Cabdilaahi Yuusuf hadalkaa sare waa lagu qoslay, waxa se ka jawaabay Macallin Haaruun oo ah odayaasha Cali Geeddi ay isku xigeen oo la socday.

Wuxuu ku yidhi Cabdilaahiyow Cali Geeddi waa xerta Ehlu Sunne, oo ku xidhnaa xerta Qaadiriyada. Imika oo aanu hudheelka soo koraynay, ayuu kaabadda hudheelka ku turunturooday, markaasuu yidhi “ Sheekh Cabdiqaadirow” waxbana muu noqon. Cali Geeddi waa la magacaabay, waana la dhaariyey. Wuxuu ammaan weyn huwinayaa Cabdilaahi oo uu leeyahay waxaanu isku aragti ka ahayn laba arrimood: kow in shaqo laga qabto wadaaddada xarakooyinka iyo hogaamiye-kooxoodyada.

Wuxuu leeyahay inay ahaayeen laba dhibaato oo wakhtigaasi jirtay. Wuxuu sheegaya inuu isku dayey inuu ka faa’iidaysto wixii ka khaldamay dawladdii Cabdiqaasim oo uu isagu goobjoog ka ahaa mucaaradadii ka hortimid. Arrimaha na horyaalay markaanu ka doodaynu wuxuu Cabdilaahi Yuusuf odhan jiray “ WIIL YAR OO DHALLINYARO AH OO AAN WAAYO-ARAG AHAYN AYAAD TAHAY.” Yacnihii wuxuu si toos ugu muujin jiray waayo-aragnimadiisa, halka Cali Geeddi uu isana bandhigi jiray aqoontiisa.

Markii xukuumaddii Cali Geeddi soo dhisay la ansixiyey, waxa uu culayskii koowaad kala kulmay kharaskii lagu lahaa dawladda. Waxa loo keenay Biilkii ay soo dallacadeen hudheelladii ay daganaayeen xubnihii Baarlamaanka iyo madaxdii dawladdu. Kharashka lagu soo dallacay wuxuu dhamaa $3.5 Milyan. Waxa maalintii baxayey $70,000. Dhammaan hay’addihii iyo dalalkii bixinayey kharashka shirkii lagu doortay Cabdilaahi Yuusuf iyo aniga ayaa nagu amray in aanay haynin wax lacag ah ee is-dabara. Sidoo kale waxa na hortimid kharashkii aanu ku guuri lahayn, ileyn kharash lagu sii fadhiyo Nayroobi ma hayno. Waxa ay noqotay ayuu yidhi in aanu dawaris tagno. Waxaan u baxay Jaamacadda Carabta aniga oo hogaaminaya wefti wasiirro ah.

Qaahira ayaanu madaxweynihii hore ee Masar kula kulanay. Waxaanu u sheegnay in deyntaasi nagu leeyahay. Wuxuu noo balllan qaaday inay Jaamacadda Carabta shan Milyan oo Dollar na siinayso. Waa kharash daboolaya deyntii nagu taagnayd ayuu yidhi. Lacago kale oo ay Jaamacadda Carabtu noogu yabbooday ayaa iyana na loo ballan qaaday. Intaanu ka guurayno Nayroobi madaxweynihii Kiiniya ee wakhtigaasi Kibaabki ayaa muddo 90 maalimood ah naga damiintay kharashka ay nagu yeelanayaan hudheellada Nayroobi.

Dalal shisheeye oo aanu magacaabi ayuu sheegaya inay dawladiisa ka horyimaadeen. Wuxuu sheegay inay xubno ka tirsan wasiirradiisa iyo xubno Xildhaanno ahi ay ku guulaysteen dalalkaa shisheeye inay ka horkeenaan xukuumadiisa. Guddoomiyhii Baarlamaanka ee wakhtigaasi Shariif Sakiin ayuu eedda dusha ka saarayaa. Xubnaha golaha wasiirrada ayaa u badnaa hogaamiye-kooxeedyadii awoodda ciidan ku lahaa Muqdisho. Sh. Xasan Daahir Aweys iyo Indhacadde ayuu sheegaya inay indhaha kaga dhaceen oo ay si cad ugu sheegeen inuu u shaqaynayo Cabdilaahi Yuusuf iyo Males Sanaawi.

2005-tii ayey dawladdii Cabdilaahi Yuusuf u guurtay Jowhar oo halkaasi ay u ahayd magaallo ay ku shaqeeyeen. Golihii wasiirrada ayuu gaadhsiiyey 42 qof, waayo waxa culays ku hayey nidaamka beelaha ee saamiqaybsiga. Golaha wasiirrada ee dalweynaha Shiihu waa 26 wasiir oo keliya, hasayeeshee kuma qaybsadaan nidaamka beelaha. Dawlad-goboleedka Puntland ayaa go’aansatay inay bil kasta siiyo dawladda Fadaraalka Cabdilaahi Yuusuf inta u dhaxaysa $250,000 ilaa $300,000. Cadde Muuse ayaa wakhtigaasi Puntland uu Cabdilaahi Yuusuf ku wareejiyey.

Madaxweynihii hore ee Yaman Cali Cabdalle Saalax ayaa mucaaradkii dawladda Cabdilaahi Yuusuf ee Muqdisho ku sugnaa heshiis dhexdhigay, waxaana lagu heshiiyey in magaaladda Baydhabo loo guuro sannadkii 2006-dii. Madaxdii Maxkamadda Islaamiga ahaa ayuu Cali Geeddi ku sheegay inay markii hore nabad keeneen, hasayeeshee wejigooda dhabti ahi uu soo baxay markii dambe. Ma adeegsanayo kelmada MAXKAMADDAHA ee wuxuu adeegsanayaan kelmadda XAGJIR.

Fu’aad Shangoole, Kaba-ku-tukade, Xasan Daahir Aweys, Cali Dheere, Mukhtaar Roobow iyo Ina Cabdi Godane ayuu ku sheegayaa in cumaamada ay sitaan ay dadka ku khiyaameeyeen oo aanay shareecadu dhab ka ahayn. Markii ay isku dhaceen Maxkamadihii Islaamiga ahaa iyo hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho ka taliyey ayuu sheegayaa inay CIA Maraykanku ay saanad, saad iyo dhaqaale si buuxda u siinaysay hogaamiye kooxeedyada. Hasayeeshee laga xoog batay oo magaaladii Muqdisho laga saaray badhtamihii sannadkii 2006-dii.

Markii ugu horraysay ayey dawladdu soo saartay Baasaaboorka Elegtoraaniga ah (E-Passport), hasayeeshee kooxihii ka soo horjeeday Raysal wasaaraha ayaa u beddelay inuu u jeedo Ethiopian Passport. Kelmaddda E ayaa loo fasiray Ethiopia. Heshiiskii ka dib, waxa Baydhabo lagu dhisayey xukuumad cusub. Dhawr shir oo ay wada galeen Cabdilaahi Yuusuf, Cali Geeddi iyo guddoomiyihii Baarlamaanka ayaa is-afaran-waa ku soo dhammaaday, ka dib markii guddoomiyaha Baarlamaanku doonay inuu kaalin ku yeesho dhismaha xukuumadda iyo xubnaha wasiirrada.

Dhawr wasiir ayuu codsanayey in xukuumadda loogu daro, hasayeeshee wuxuu Cali Geeddi ka ogolaaday hal wasiir. Cabdilaahi Yuusuf oo ka baxay fadhigii Baarlamaanku uu ku ansixinayey golihii wasiirrada la soo magacaabay ayaa qarax dibada loo dhigay, wuu se ka badbaaday. Cali Geeddi wuxuu si dadban ugu eedaynayaa qaraxaasi inay lug ku lahaayeen guddoomiyihii Baarlamaanka iyo koox xildhibaanno ah oo ay isku afkaar ahaayeen. Wuxuu sheegay in markii qaraxu dhacay uu Shariif Xasan yidhi aan dib u dhigno ansixinta wasiirrada. Hasayeeshee uu diiday Cali Geeddi.

Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan oo xannuun la soo darsay iyo siday xukuumaddii Cali Geeddi u garab istaagtay ayuu sharraxayaa. Wuxuu sheegay inay diyaarad khaas ah ugu qaadeen Nayroobi Kiiniya, halkaasina uu ku helay daryeel dhammaystirin iyo ducada shicibka Soomaalida. Ugu dambeyntii 2007-dii ayuu Aadan Cadde ku geeriyooday Nayroobi. Aas qaran iyo hab-maamuus sare ayey xukuumaddu ku qaabisahay tacsidii Aadan Cadde.

1. Danjireyaashii uu shaqada ka eryey.
Wuxuu taxayaa dhawr Danjire oo uu dalka ka saaray intii uu xilka hayey. Wuxuu Danjireyaashii siiyey farrinta loo adeegsado marka la eryaayo Danjireyaasha ee SOOMA-NOQON KARTID ee afka qalaad loogu yeedho PERSONA NON GRATA. Danjirihii dawladda Talyaaniga u fadhiyey Soomaaliya ayaa kulan qarsoodi ah la yeeshay Xasan Daahir Aweys. Wuxuu diyaarad khaas ah ku tegay Dhuusamareeb oo kula kulmay.

Kulankaasi loogama sheegin dawladda. Cali Geeddii ayey sirdoonkiisii u soo sheegeen inuu kulankaasi dhacay, oo aanay dawladdu waxba ka ogeyn. Caddeymo ayey u keeneen ay ka mid yihiin sawirro iyaga oo wada fadhiya. Danjire Mario Raffaelli maadaama oo uu watay diyaarad khaas wuxuu toos ugu duulay Nayroobi. Xafiiska Cali Geeddi wuu la socday safarkiisa.

Markii uu Nayroobi gaadhay ayaa xidhiidh uu la sameeyey xafiiska Raysal wasaaruhu, waxaana lagu amray inuu shir deg deg ah Baydhabo ugu yimaado. Markii uu yimid ayaa gacanta laga saaray waraaqdda eriska. La kulanka Xasan Daahir Aweys, ayey dawladda Soomaaliya u arkaysay inuu shaqadiisii ka baxay oo kulan la yeeshay wadaad argagixiso ah oo nidaamka dawladdnimada ka soo horjeeda.

2. Danjirihii labaad ee uu eryey Cali Geeddi wuxuu ku sheegay inuu ahaa Danjire Badejo oo u dhashay dalka Nayjeeriya. Wuxuu ahaa ku xigeenka wakiilka guud ee Qaramada midoobay Soomaaliya u qaabilsan. Wuxuu ahaa nin waayo-arag ah oo Soomaaliya ka soo shaqeynayey tan iyo 1992-kii. Waan wakhtigii ay Soomaaliya ku jirtay hawlgalkii UNOSOM. Wuxuu ahaa nin aad u fahmay fawdada ay Soomaaliya ku jirtay oo ku dhexmilmay dawlad la’aantii Soomaaliya iyo garabyadii is-hayey.

Wuxuu nin shaqo xun oo anshax darran. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayuu ka codsaday Cali Geeddi inuu ka soo beddelo ninkaasi. Hasayeeshee wuxuu u sheegay inay ku adagtahay arrintaasi sababo jira awgeed. Muu se sheegin sababta ay ugu adagtahay. Sannadkii 2005-tii ayuu siiyey waraaqdii HA NAGU SOO NOQON ahayd. Wuxuu wargeliyey xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay. Kofi Anaan oo ahaa xoghayaha guud ayaa la soo xidhdiidhay Cali Geeddi una sheegay inuu burburiyey rejadii uu ninkani ka lahaa Qaramada Midoobay. Wuxuu sheegay inuu isna u ugu jawaabay in Danjiruhu isna uu doonayey inuu burburiyo hannaanka qarannimada Soomaaliya.

3. Danjirihii saddexaad ee uu Cali Geeddi eryaa wuxuu ahaa Maxamed Cabdi Afey oo ahaa Danjiraha Kiiniya u fadhiya Soomaaliya. Wuxuu ahaa Soomaali-Kiiniyaan ka soo jeeda NFD. Waxaana loo magacaabay Soomaaliya 2005-tii. Isna wuxuu toos ugu milmay madaxdii Maxkamadaha Islaamiga ah. Wuxuu Muqdisho kula kulmi jiray Maxaakiimta isaga oo aan ogolaasho ka haysan dawladda Soomaaliya. Madaxda Maxkamadaha gaar ahaan kuwii qunyar socodka ahaa ee Sh. Shariif ka mid ahaa ayuu kulamo la yeelan jiray.

Wuxuu waraysiyo ku sheegay in Maxaakiimtu ay wadahadal diyaar u yihiin, isaga oo isu dhigay inuu afhayeen u yahay. Saddex shir oo ay wada galeen dawladdii Soomaaliya iyo madaxdii Maxaakiimtu oo ka dhacay dalka Suudaan ayaa lagu kala kacay. Cali Geeddi ayaa la xidhiidhay madaxweynihii Kiiniya ee wakhtigaasi Kibaaki. Wuxuu u sheegay inay Afey ka soo beddelaan, oo weliba ay ku soo beddelaan nin Soomaali ahayn. Waayo Soomaaligu wuxuu ku dhexmilmayaa qabaa’ilka Soomaaliya degan. Sidii ayaa loo soo beddelay Danjire Afey.

4. Danjirii afraad ee la beddelaa wuxuu ahaa Danjirihii Jaamacadda Carabta u fadhiyey Soomaaliya oo la odhan jiray Cabdalle Bin Cali Bin Maxamed. Wuxuu warbixino ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya u gudbiyey shirkii Jaamacadda Carabta. Wuxuu warbixinnahaasi ku sheegay in dawladda Soomaaliya ay diidan tahay wadahadal nabadeed oo ay Maxaakiimta la gasho.

Wuxuu toos warbixinta ugu sheegay eedeyn aan geed loogu gabban oo ah in nabaddu ay ka socon la’dahay dhinaca dawladda. Sannadkii 2006-dii badhtankiisi ayaa Cali Geeddi Jaamacadda Carabta ka codsaday inay soo beddelaan Danjireyooda Soomaaliya haddii kale uu xidhiidhkoodu xumaan doono. Markiiba way soo beddeleen. Wixii intaasi ka dambeeyey may jirin wax Danjire ah oo la beddelay. Qaybta dambe ee buugga wuxuu ku sheegay shirar uu Raysal wasaare Geeddi ka qaybgalay oo ka dhacay dalal badan oo adduunka ah.

Wuxuu soo bandhigayaa sawirro uu kula jiro madaxda badan oo adduunka wakhtigaasi ka soo talinaysay. Midowga Yurub ayaa xukuumadda u diiday dhaqaalihii ay siin jireen, ka dib markii ay dagaal la galeen Maxkamadihii oo dagaalku Muqdisho uu galay. Wuxuu dhammaan indhaha ka qarsanayaa dhibaatooyinkii baaxadda lahaa ee ciidamada Itoobiya ay ka geysteen Muqdisho iyo gobollada kale ee Soomaaliya. Meelna kuma soo hadal qaadayo dhimashadii iyo duqeyntii joogtada ahayd ee ciidamada Itoobiya la dhacayeen Muqdisho.

Is-casilaadiisii.
Wuxuu sheegayaa inay is-casilaadiisu timid markii ay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dawladiisu oo uu hogaaminaayo guddoomiyihii Baarlamaanka ee wakhtigaasi Shariif Xasan ay u goosteen dalka Eratariya. Waxa ay la baxeen Baarlamaanka xorta ah. Dawladdo aan la dhacsanayn xukuumadda Cali Geeddi oo markii horaba diidanaa ayaa taageeray kooxdaasi Eratariya.

Wuxuu sheegayaa isaga oo haysta aqlabiyada Baarlamaanka uu go’aan ku gaadhay inuu xilka banneeyo, maadaama oo xukuumadda culays weyni haystay. Sidoo kale wuxuu sheegaya in is-casilaadiisa ay xal u noqon doonto mushkilada mucaaradka ku kacsan dawladda, oo ay ku qanci doonaan inay qaataan xilka uu banneeyey. Waxa kale oo uu sheegayaa inuu niyadda ku hayey in Cabdilaahi Yuusuf isna uu ku xigi doona oo kursigiisa lagu socdo, hasayeeshee isaga laga horraysiinayo.

Aakhirkii Oktoobar 2007 ayuu gudbiyey, bishii ku tigtay waxa la magacaabay Raysal wasaare Nuur Cadde. Nuur Cadde wuxuu u gacangalay kooxdii mucaaradka dawladda ku ahayd ee Asmara fadhiday. Markiiba waxa geesaha isla galay Nuur Cadde iyo Cabdilaahi Yuusuf.
Inta badan dalalkii IGAD, Qaramada midoobay iyo Maraykankii oo uu horkacayo ergaygii gaarka ahaa ee Soomaaliya ayaa taageeray Nuur Cadde oo Cabdilaahi Yuusuf bannaanka dhigay.

Dhammaan dalalkaasi waxa ay Cabdilaahi Yuusuf ku khasbeen inuu raaco rabitaanka garabkii Maxkamadaha iyo Baarlamaanka xorta ee Asmara fadhigoodu ahaa. Dhinaca kale garabkii Maxkamadaha ee mucaaradka ku ahaa dawladda waxa ay dawladihii shisheeye u kala qaybiyeen laba kooxood: koox xagjir ah (radical group) oo uu hogaaminaayey Xasan Daahir Aweys oo Asmara lagaga yimid iyo koox labaad oo laga dhigay qunyar socod (moderate group) oo uu Sheekh Shariif hogaaminaayo.

Kooxdii Sh. Shariif oo ay la socdaan Baarlamaankii xorta ahaa ayaa la soo dejiyey Jabuuti. Tiradii Baarlamaanka ayaa lalibinlaabay waxa laga dhigay 550 Xidhibaan, halkii ay markii hore ka ahaayeen 275. Ujeedadda Maraykanka iyo Qaramada midoobay ayaa ahayd in shakhsi wadaad ah oo Maxkamadaha ka tirsan madaxweyne looga dhigo si loo oo xero geliyo Maxaakiimta.

Nuur cadde iyo Cabdilaahi Yuusuf ayaa uu khilaafkoodu dhammaan waayey, ileyn dalalkii siyaasadda Soomaaliya saameynta ku lahaa ayuu taageero ka haystaaye. Aakhirkii Diisambar 2008 ayuu Cabdilaahi Yuusuf is-casilay. Sh. Shariif oo la sii diyaarsaday ayaa Jabuuti lagu doortay markii dambe.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews