Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro oo Kulan Xogwarana La Qaatay Shirgudoonka Golayaasha Wakiilada Guurtida Iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare
October 19, 2025 - Written by admin
Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta kulan muhiim ah oo Xog-warran Qaran ah la yeeshay Shir-guddoonka Labada Gole Qaran, Guurtida iyo Wakiillada iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
Madaxweynuhu waxa uu Madaxda sare ee Laamaha Dawladda uga xog-warramay xaaladaha guud ee dalka iyo hannaanka ay u socdaan hawlaha Qaranku, gaar ahaan dhinacyada amniga, xasiloonida, arrimaha bulshada, horumarka iyo hab-sami-u-socodka Siyaasadda Arrimaha Dibedda.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka warbixiyey Safarradii Shaqo ee uu ku tagay Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya, isaga oo ka hadlay nuxurka, ujeeddada iyo guulaha diblomaasiyadeed ee ay safaradiisu xambaarsanaayeen, isaga oo tilmaamay in labadan safar ay ahaayeen kuwo kor u qaaday xidhiidhka Somaliland la leedahay dalalkaas, isla markaana xoojinaya iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, amniga, iyo siyaasadda gobolka.