War Murtiyeed: Shirka Nabadda Beelaha Gobolka Sanaag
October 25, 2025 - Written by admin
Maanta oo ay taariikhdu tahay 22 October 2025 Beelaha walaalaha ah ee wada degan gobolka Sanaag oo in muddo ah shirkii nabadda ee gogoshiisa uu dhigay madaxweynaha Somaliland magaalada Ceerigaabo waxaa ka soo baxay qodobadan.
1. In nabad iyo walaaltinimo lagu wado noolaado guud ahaan gobolka gaar ahaan Degmada Ceerigaabo.
2. Beelaha walaalaha ah ee wada degan gobolka Sanaag waxa ay isla qateen in ay ilaashadaan nabadgelyadooda, wadaJirkooda, walaalnimadooda iyo dawladnimadooda Jamhuuriyadda Somaliland.
3. Waxa Beelaha Reer Sanaag isla qaateen in nabad loogu baaqo lagana hawl galo Sidii loo raadin lahaa cid kasta oo ka maqan Gogasha Nabada ee Madaxweynaha JSL dhigay.
4. Maadama; gobolka Sanaag ay ka muuqato dib u dhac dhanka horumarrinta ah Beelaha Gobolka Sanaag waxay xukuumada Somaliland ugu baaqayaan inay ka fuliso mashaariic horumarrineed sida uga dhakhsaha badan.
5. Waxa lagu heshiiyey in guud ahaan ammniga iyo nabada gobolka Sanaag ay dawladu ka masuul tahay, cid kasta oo nabadda cadow ku ah in dawladu gacan bir ah ku qaban doonto iyada oo kaashanaysa shacabkeeda.
6. Waxay beelaha gobolka Sanaag uga mahadcelinayaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somliland Gogosha Nabadda ee uu u dhigay gobolka Sanaag iyo isku wadka bulshada Somaliland ee uu sida hagar la’aanta ah uga shaqaynayo.
Allah Mahad leh