Maareyaha Haayada Dekedaha Somaliland Cali Diiriye Maalintacab oo Qeyb Weyn Ka Qaatay Xal Uhelida Khilaafkii Udhexeeyay Ganacsatada Iyo Gaadiidlayda
November 3, 2025 - Written by admin
Maareyaha Haayada Dekeda Somaliland Garyaqaan Cali Diiriye Maalintacab oo Maalmihii Udambeeyay Ku Hawlanaa Sidii Xal Loogu Heli Lahaa Ismaandhaafkii Ka dhex Taagnaa Ganacsatada Iyo Iskaashatada Gaadiidka Tawfiiq Waxaanu sheegay Maareye Cali Diiriye Maalintacab in
Cabasho maalmihii u dambeeyey ka taagnayd maareynta fursadaha gaadiidka xamuulka ka qaada dekedda Berbera, ayaa xal laga gaadhay kadib markii is af-garad laga gaadhay wada hadallo dhex maray masuuliyiin xukuumadda ka tirsan iyo ganacsatada.
Wadahadalladan maanta dhex maray dhinacyadan, ayaa lagu go’aamiyay in la dardar geliyo horumarinta guud ee gaadiidka dekedda, isla markaana la mideeyo daneeyaasha kala duwan ee hadda jira si ay si wadajir ah uga qayb qaataan qorshaha horumarineed ee mustaqbalka.
Waxaa sidoo kale lagu heshiiyay in nidaamka maamulka iyo maaraynta fursadaha gaadiidka uu hadda sidiisii hore ahaado, iyadoo aan wax isbeddel degdeg ah lagu samayn. Si loo sii amba-qaado hawsha midaynta iyo habaynta nidaamka mustaqbalka, waxaa la isla qaatay in la magacaabo guddi cusub oo labada dhinac ka kooban, kuwaas oo lagu wado in ay shaqadoodu bilaabaan maalmaha soo socda.
Go’aamadan ayaa ujeeddadoodu tahay in la adkeeyo wada-shaqaynta ka dhexaysa ganacsatada, ururka gaadiidlayda ee Towfiiiq, hay’adda dekedaha Somaliland iyo hayadaha kale ee daneeyayaasha ka ah hawshan, si loo hubiyo in habsami u socodka dekeddu uu noqdo mid waara, caddaalad iyo hufnaan ku dhisan.